Wasiir Xirsi oo la kulmay Xubno ku fashilmay inay u abaal-gudaan Mudane taageeray qaddiyadda Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta kulan qado ah u sameeyey Xubno ka tirsan Qurbo-joogga dalka ee ku dhaqan magaalada Sheffield ee waddanka Britain, kuwaasoo ku sugan Somaliland, isla markaana ah xubnihii ka qayb-qaatay in Golaha deegaanka magaaladaasi aqoonsadaan madax-bannaanida Somaliland.

10300241_10154210968745599_8700908217543797860_n

10337686_10154210967865599_7231042652764473818_n

Xubnahan oo muddaba dalka ku sugnaa aya aku fashilmay inay u abaal-gudaan Xildhibaankii Mooshinka Golaha Deegaaka Sheffield ku soo daray qodobka dhigayey in madax-bannaanida iyo gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland la aqoonsado kaasoo ahaa Xildhibaan Mohamed Maroof, kaasoo ujeeddadiisu ahayd, isla markaana ay Jaaliyaddu u ballan-qaadeen inay u cadeeyaan olola doorashada Golaha deegaanka ee magaaladaas uu ugu ordayey mar kale, taasoo qabsoontay dabayaaqada Bishii May ee aynu soo dhaafnay dhawr iyo labaatankeedii, halkaasna uu ku hadhay Xildhibaankaasi isagoo ku dhacay 19 cod oo keliya.

Haddaba, xubnaha ku fashilmay soo saarista Xildhibaankii qaddiyadda iyo rabitaanka shacabka Somaliland intii awooddiisa ahayd meel-mariyey, qorshahana ay ugu jirtay inuu sii wado, waxa uu ku guul-darraystay helitaanka 19 cod oo uu ku badbaadi lahaa, isla markaana mar labaad ku noqon lahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Sheffield, iyaga oo xubno ku dhawaad boqol qof ah oo dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Sheffield ah oo haysta dhalashada iyo Baasaaboorka dalkaas ee ay cod-bixiyeyaasha ku yihiin tan iyo bishii May ku sugnaayeen Somaliland, tamashlana ku marayeen magaalooyinka kala duwan ee dalka oo mid kasta lagu soo dhaweeyey.

Xubnahaas oo Casuumado kala duwan ay dawladda Somaliland iyo Ururrada Bulshaduba u sameeyeen intii ay dalka ku sugnaayeen, waxaa maanta Casuumad qado ah u sameeyey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isagu toddobaadkii hore dalka ku soo laabtay markii uu 18 May kaga qaybgalay waddanka Maraykanka.

Wasiir Xirsi oo ka hadlay qadadaas, ayaa u mahad-celiyey Jaaliyadda Somaliland ee reer Sheffield, isagoo sheegay inay dedaal waddaniyadeed muujiyeen, isla markaasna ku guulaysteen inay noqdaan Jaaliyaddii Somaliland ee ugu horreysay ee ka midho-dhaliya inay taageero u helaan aqoonsiga madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xusay inay xil-wayn iska saareen. Waxaanu jaaliyadaha kale ee reer Somaliland ee dacallada caalamka ku dhaqan ugu baaqay inay dedaalkaas oo kale muujiyaan.

Xubnaha Jaaliyadda Sheffield ee goob-joogga ka ahaa Casuumadda Wasiirka Madaxtooyada, ayaa dhinacooda ka mahad-celiyey qado-sharafta uu Wasiir Xirsi u sameeyey, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin sida dalkooda hooyo loogu soo dhaweeyey muddadii ay joogeen oo ay sheegeen inay magaalooyin badan oo ay tageen si diirran loogu soo dhaweeeyey.

Hase-yeeshee, waxa muuqata inay xubnahani ka jawaabi kari waayeen ballan-qaadkii ay u sameeyeen Xildhibaanka Mooshinka ku daray qodobka ah in la aqoonsado, lana taageero Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, tallaabadaas oo ahayd tii ugu horreysay ee 23-ka sano ee ay Somaliland jirtay lagu guulaysto ee dhinaca aqoonsiga ah, taasoo Illaahay ka sokow iyo dedaalka ay Jaaliyad ahaan muujiyeen cidda keliya ee ay ahayd in abaal-gud iyo mahad-naq ay ku heshaa ahaa Xildhibaan Maroof iyo Saaxiibbadiisa Golaha Deegaanka Sheffield ee suurageliyey inay ansixiyaan qodobka uu Ajandaha Kal-dhigooda ku soo daray.

aftahaninc@mail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.