“Wallaahi innaanu Seddex iyo Afar goor-ba dooran haddii aannu doonno, waayo? Cali-Guray

CALI MAXAMED YUUSUF (CALI-GURAY)

Cali-Guray waxa uu ka hadlay Sharciyadda Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyada, waxa uu sharci-darro ku tilmaamay inay wakhtigan shaqeeyaan.

Hargeysa(Aftahannews):-  Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa ka hadlay Sharciyadda Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Somaliland, taasoo uu sheegay in wakhtigoodi dhammaaday, isla markaana waxay ku shaqaynayaan ee ay ku sii jiraan tahay sharci-darro aan loo baahnayn.

MUJAAHID CALI-GURAY

Cali-Guray waxa uu Wacad-qabe-yaal ku tilmaamay Guddoomiyaha iyo Afhayeenka Guddigaas Cabdirisaaq Ciyaalle iyo Xasan-Macallin, kuwaasoo uu sheegay inay si badheedh ah oo indho la’aan ah u taageereen labada Garab ee uu Xisbiga KULMIYE u kala jabay Garabka uu Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo oo ay sheegeen inay sax yihiin xubnaha Golaha dhexe ee ay Garabkaasi u gudbiyeen oo ah Liisaska dibedda u soo saaray Khilaafka KULMIYE, iyaga oo ay jiraan Liisas kale oo uu Garabka Guddoomiye Muuse Biixi soo saareen oo Guddi Fulineed iyo Gole dhexe ka kooban.

“Xasan-macalin,ninka ku hadlayay magaca haya’dda aan jirin ee Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda wuxu ahaa qabyaalad qaawan oo hadlaysa. Waa Wasiirkii Madaxtooyada ee Daahir Rayaale ee markuu lacagtii kambaynka qaatay, ee xataa tii muraaqibiinta reerkiisa qaatay, ee tu walba qaatay maalintii doorashada ka horeysay adeerkii isaga tegay.” Sidaa ayuu ku yidhi Cali-Guray qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook ee uu Internet-ka ku leeyahay.

Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Guray) waxa uu qoraalkiisa oo sii socday intaas ku sii daray oo yidhi; “Waa qof aan wacad iyo abaal midna lahayn ee qabyaaladu diin u tahay. Haya’ddan uu sheeganayo laba sanadood oo keliya ayay sharci ahayd muddo kordhin sharci ahna may helin. wuxu inoo sheegay in loo soo gudbiyay go’aano sharci ah.oo ka soo baxay shirwaynihii Kulmiye waana beentii.”

“Liiska lix nin oo shirgudoonklii ahi ay kala duunteen xubintii todobaad oo ahaa Dr Maxamed Cabdillahi oo sida intooda kale isaguba reer metelayay ayuu leeyahay waa go’aan shirwayne. Liiska Golaha Dhexe waxay ahayd in hal hal shirwaynuhu u ansixiyo. Tan kale gudida fulinta waxa iska leh soo jeedintiisa Gudoomiyaha Xisbiga waxaana la raacayaa xeerka xisbigu leeyahay waana sidii ay ahaan jirtay.” ayuu yidhi Cali-Guray.

Cali Guray waxa uu dhalliiley Xeerka Lambar 14 ee doorashada iyo Axsaabta Siyaasadda Somaliland lagu hago, waxaanu yidhi; “Xeer Lr. 14 waxaan hore ugu bixiyay shirqool! Lamar 14 waxa kulligii-ba loo samaystay dano gaar ah ee wax loo sameeyay dan Qaran ba maaha. Annaga UCID ahaan waxa la yidhi Guddoomiyaha Xisbiga laba mar wax ka badan lama dooran karo. Sidii Sheekadii AHN Sheekh Muxumad-Yare iyo Salaaddii Jimacaha ayaannu nidhi Wallaahi innaanu seddex dooran, afar goor dooran haddii aannu doonno, waayo? Sharciga UCID baa oggol, waxay noqotay taayadii. Markaa Xasan-macallin futada ha iska-geliyo Shirqool lambar 14 iyo qabyaaladdiisa xun ee caantaynka ahba.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.