Suldaan Maxamed oo Munaafiqiin ku tilmaamay Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin

“Shalay markuu Muuse Wasiirka arrimaha gudaha ahaa hadduu wax qaban lahaa maanta wuxu ku faano wuu heli lahaa, maanta waxa uu Madaxweynaha ku doonayo ee aannu ku dooranaynaa ma qaraxaa..?” 

“Cidna ka baryi mayno nabadgelyada Hargeysa, Bina-aadam aannu u daba-fadhiisanaynaana ma jirto…” Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Hargeysa(Aftahannews):- Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ay weheliyeen Salaaddiin, ayaa markii ugu horreysay maanta shaaca ka qaaday inaanay u dul-qaadan doonin sanqadhaha habeennadan ka baxayey Caasimadda, isla markaana aanay cidna ka baryeynin nabadgelyada Hargeysa ee xataa hadday gaadhayso inay dhiiggooda u daadiyaan ay u daadin doonaan.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxa uu si badheedh ah u eedeeyey hoggaanka Xisbiga KULMIYE ee Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin oo uu sheegay inay ahaayeen Muhaajireen Taliskii Siyaad Barre oo ay noqdeen Mujaahidiintii SNM ee dalkan u soo halgamay, hase-yeeshee ay maanta noqonayaan Munaafiqiin.

Halkan hoose ka daawo Suldaan Maxamed oo arrimahaas si adag uga hadlaya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.