Madaxweyna Gaas oo ku dhawaaqay in 2 June u aqoonsadeen Maalinta Kalluunka Sharci-darrada ah (Masiibo Qaran)

Boosaaso(Aftahannews):- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ku dhawaaqay in maanta laga bilaabo 2-da bisha June ee sannadkasta ay u aqoonsadeen Maalinta Kalluunka Sharci-darrada ah.

gaas3333

Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay inay u arkaan Masiibo Qaran, ka dib marrkii la ogaaday in Kalluun lacagtiisa lagu qiimeeyey Malaayiin doollar sannadkasta si sharci-darro ah lagaga gurto Badda Soomaaliya oo Puntland-na qayb ka tahay. Madaxweyne Cabdiwali Gaas waxa uu sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Boosaaso oo uu laba cisho ka hor booqasho shaqo ku tegay.

Kalluumaysiga Sharci-darrada ah ee Xeebaha Soomaaliya ayaa ah Mushkilad wakhti dheer soo jiitamaysay oo aan maaro loo helin, taasoo xaalufisay Khayraadka ku jira Biyaha somaliya. Xeebaha Soomaaliya ayaa ah kuwa ugu dheer waddamada Bariga Afrika, waxaanan dhererkeedu gaadhayaa 3333KM oo dherersan Raaskaabooni ilaa iyo Lawyo-caddo.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas oo Maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaalo xeebeedka Boosaaso oo uu booqasho ku joogo, ayaa iclaamiyey go’aan lagula dagaalamayo Kalluumaysiga Tuugada ah, waxaanu yidhi; “Kalluumyasiga sharicdarrada ahi waa mushkilad caalami ah oo dhibaato weyn kuhaysa  waddamo badan oo xeebaley ah, Soomaliyana ka mid tahay.”

“Isku-dar waxaa adduunka laga xadaa kalluun qiimihiisa lagu qiyaasay sannadkii inta u  dhaxaysa afar (4) ilaasagaal (9) billion oo dollarka Maraykanka ah. Waddamada ka hooseeya Saxaraha, oo ay Soomaaliya kujirto, waxay ku waayaan kalluumaysiga sharcidarrada ah lacag dhan hal (1) billion oo dollar sannadkii.

Sidoo kale, Soomaliya kaligeed waxaa laga dhacaa kalluun qiimihiisu gaarayo 300 million oo dollar sannadkii,sida ay muujinayaan warbixinno caalami ah oo meelo kaladuwan ka soobaxay. Nasiib-darro, lacagahaan looma qiimayn qalabka laga burburiyo kalluumasatada, kalluunka laga daadiyo, Dhibaatooyinka soo gaara degaanka iyo saamaynta xun ee ay kuleeyihiin nolol maalmeedka bulshooyinkaas.” sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Gaas.

Madaxweyne Cabdiwali Gaas oo Saxaafadda loo qaybiyay wareegto uu ka soo saaray xadista Khayraadka Baddaha, waxaanu qoraalkaas oo sii socday ku yidhi; “Haddaba: Markaantixgeliyey,talosoojeedinta Wasaaradda Kalluumaysiga·  &Kheyraadka Badda, Markaan soo arkay dhibaatooyinka kajira deegaannada xeebaha ee uu keenay kalluumaysiga sharcidarrada ah·

Markaan tixgeliyey cabashada iyo qeylodhaanta ka soo yeeraysa bulshooyinka xeebaha deggan iyo hey’adaha ku hawlan ilaalinta degaanka iyo tashiilka noolaha badda. Markaan arkay qaraarrada iyo heshiisyada caalamiga ah ee khuseeya la dagaallanka kallumaysiga sharcidarrada ah,Soomaaliyana ay qeybkatahay.

Markaan ogaaday boobka iyo dhaca lagu hayo kheyraadbadeedkeenna iyo· cawaaqib xumada kadhalankarta haddii aan si degdeg ah wax loogaqaban. Waxaango’aamiyey:- In lagabilaabo shalay  (01/06/2014),DawladdaPuntland u aqoonsatay kalluumaysiga sharcidarrada ah in uuyahay “masiiboqaran” In loo jiheeyo awoodda Dawladda iyo bulshada reer Puntland la dagaallanka kalluumasiga sharcidarrada ah.

In lala tiigsado sharciga cid allaaliyo cidii (Soomaliiyo ajnebiba) ku hawlan kalluumasiga sharcidarada ah biyaha Puntland. In Wasaaradda Kalluumaysiga  & Kheyraadka Baddu ay meelmariso xeerarka kalluumaysiga Puntland,sida ugu dhakhsaha badan. In ciidanka ilaalada baddu uguto waa jibaadkooda ku aaddan la dagaallanka kalluumaysiga sharcidarrada ah,kana hawlgalo dhammaan biyaha Puntland.

Waxaan ka codsanaynaa beesha caalamka iyo waddammada aan saaxiibkanahay in ay gacan nagu siiyaan dagaalka kadhanka ah kalluumaysiga sharcidarrada ah.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Boosaaso/Puntland/Soomalaiya.