Dab khasaare badan oo Naf iyo Maal isugu jira geystay oo ka kacay Laas -caanood

Laascaanood(Aftahannews):- Dab ka kacay goob Shiidaalka lagu iibin jiray oo ku taallay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee Somaliland, ayaa sababay khasaare kala duwan oo isugu jira dhaawac dad ku dhawaad afartan ruux lagu sheegay iyo hanti maaliyadeed, iyagoo wixii Kaalintaas ayaallay shuf beeleen.

201462635372978768187004DSC_0455 201462635372979018008091DSC_0457 201462635372979149211227DSC_0460 201462635372979229638861DSC_0458

Dabkaas oo Subaxnimadii maanta kacay ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay Foosto shiidaal ku jirtay oo qaraxday ka dib markii naqasku ku dhagay sida ay ku soo warramayaan Weriyeyaasha goobtaas tegay ee ku sugan magaalada Laascaanood oo uu qaarkood Aftahannews la xidhiidhay. Waxaanay intaas ku dareen in saddex qof dhaawacoodu culus yahay afartan qof oo dhaawac ka soo gaadhay dabkaas oo Booiyado biyo ah iyo gacanta ay dadweynuhu ku bakhtiinayeen.

Cabdi Cali Xirsi (Cabdi-Bafle) oo la jaar ah goobtaas Kaalinta Shidaal ahayd oo lagu soo dejin jiray Foostooyinka Shidaalka lagu shubo oo hab ganacsi ahaan ah loogu iibin jiray Shidaalka kala duwan ee Gaadiidku isticmaalo, ayaa sheegay in dabku ka kacay Footo naqasku ku dhegay oo markii ay qaraxday saamaysay guud ahaan shidaalkii meheraddaas yaallay.

Dadweyne fara badan ayaa isu yimi goobtaa dabkaasi ka kacay si ay uga qayb-qaataan bakhtiinta iyo gurmadka Kaalintaas, waxaanay ku dedaaleen inay bakhtiiyaan dabkaas iyaga oo dadkii ku dedaalayey inay demiyaan inay dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen dad badan oo ku jiray gurmadka lagu bakhtiinayey dabkaas oo lala tacaalay inaanu ka gudbin halkaas oo aanu saamayn ku yeelan qaybaha kala duwan ee magaalada.

Dr. Axmed Caddaani oo Goob Caafimaad ku leh meel ku dhaw meheradda gubatay, ayaa sheegay in afartan qof lagu daweeyey Rugtiisa caafimaad, kuwaasoo uu sheegay inay dhammaantood ku dhaawacmeen dabkaas, kuwaasoo uu xusay inay qaarkood soo gaadheen dhaacyo culus oo gubasho jidhka ah.

Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada gobolka Sool Cabdirisaaq Axmed Warsame (Dhabayaco), oo dabkaas ka dib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in sababta ugu badan ee keenta dhibaatooyinka dabka ee magaalada Laascaanood ay tahay Dab-demis la’aan maaddaama oo sida uu sheegay inaanay magaalada joogin gaadiid dab-demisyo ah oo ka qayb-qaata bakhtiinta goobaha uu dabku ka kaco.

Waxaanu ganacsatada u soo jeediyey inay iska kaashadaan sidii ay u heli lahaayeen Dab-demisyo ay ganacsigooda iyo guryaha magaaladaba ku ilaashadaan. Waxa kale ee uu Guddoomiyaha Ganacsatada gobolka Sool ugu baaqay Ganacsadaha khasaaruhu ka soo gaadhay dabkaas in gurmad dhaqaale loo fidiyo oo la caawiyo si uu dib ugu bilaabo caafimaadkiisa.

Waxaanu dabkan maanta baabbi’iyey Meheraddaas shidaalka lagu iibin jiray ee magaalada Laascaanood ayay Weriyeyaashu ku soo warramayaan inuu yahay dabkii ugu weynaa ee ka kaca magaalada Laascaanood muddo 19 sano ka badan sida ay sheegeen ee dhaliya khasaarihii ugu badnaa ee dhaawac iyo hanti lunta ah. Waxaanay dadku u arkaan inay dhibaatada dabka awoodddiisa sii badiyey Dab-demis la’aantu.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.