Muuse Biixi oo ka hadlay dad loo xidhay Sawirkiisa, kulan Guurtida dhex-maray & qodobbo kale

“Anigu markii aan idhi Musharrax baan ahay dagaal Cir iyo Dhul ah baa la igu qaaday, taasina waa qalad…” “Waxaan maqlaayey Hub baa guriga lagu qabtay, Guri walba Hub wuu yaallaa, ninka guriga ku dagaallamay Diintaa oggol marka gurigaaga, sharaftaada iyo naftaada saq-dhexe lagugu soo weeraro..”

“Xukuumadda iyo Madaxweynaha waxaan weydiinayaa Goorta Sawirkayguna dembiga iyo Xaaraanta noqday, Sawirka Siilaanyana xalaasha noqday…”

“Waran-cadde la yaabi maayo….hore waxa uu u yidhi; ‘SNM fulayaal yaacay bay ahaayeen ee annagu Raggii gudaha ku jiray baannu ahayn…Wuxu TV-ga ka yidhi; ‘Raggii Siilaanyo oo mucaarid ah toogtay baan ka mid ahay haddana wuu iga maarmi waayey oo Wasiir buu iga dhigtay, Rag Madaxnimo doonaya ayaa ka dambeeyana ku darso baan leeyahay..” Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Garabka uu hoggaamiyo ee Xisbigaas, ayaa maanta kulankoodii ugu horreeyey la yeeshahay Ergada Golaha Guurtida ee dhex-dhexaadintooda isu-xil-qaamay. Waxaanu Muuse Biixi ka war-bixiyey kulankaas, waxa kuu ka jawaabay hadalka ka soo yeedhay Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha gudaha oo qaraxyo Hargeysa ka dhacay ku xidhiidhiyey hogaanka KUKMIYE.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka Guddoomiye Muuse Biixi oo qodobbadaas iyo kuwo kaleba ka hadlaya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.