Suxufi Caalami ah oo Kashifay Sharci -darrada, dhibaatada & Sicir-bararka Zaad-ku ku hayo Somaliland

“Dhaqaalahan lacagta Doollarku wareejinayso, Zaad-ku wuxuu kor u qaaday qiimihii, arrintanina waxay noo saamaysay si gaar ah.”Daa’uud Cigaal, Agaasimaha qorshaynta ee Wasaarada Maaliyadda Somaliland

“Adeegga Zaad waxa uu nagu keenay Sicir-barar, waxaanay Zaad dishay sumcaddii lacagta sharciga ah ee waddankayaga. Waddanka  Kenya ama Tanzania, Shirkadaha isgaadhsiinta….” Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi

“Dad badan oo reer Somaliland ahi waxay aamminsan yihiin in la socod la’aanta dawladda ee Telesom ay saamayn ku leedahay dhaqaalaha waddanka…” Gianluca Iazzolino for the Guardian

 zaad

Hargeysa(Aftahannews):- Suxufi caalami ah, ayaa Somaliland ka diyaariyey warbixin xiiso badan oo kashiftay Sharci-darrada, dhibaatada dhaqaalo-darro iyo Sicir-bararka Badeecadaha kala duwan gaar ahaan Muceeshadda iyo guud ahaanba saamaynta uu dalka ku yeeshay addeegga xawilaadda Lacagta Taleefanka gacanta ee Zaad-ka loo yaqaanno oo ay bixiso Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM.

Adeegga Zaad ee Lacagta taleefannada la isugu diro ee Somaliland ka shaqaysa oo laga soo min-guuriyey Shirkadaha Isgaadhsiinta Bariga Afrika sida Kenya iyo Tanzania, adeegsiga Zaad waxa uu meesha ka saaray inta badan Lacagta noodhka ah ama waraaqaha ee qaybaha Bulshada ku dhex-wareegaysay, waxaanu keenay dhibaatooyin dhaqaala-darro iyo Sicir-barar Somaliland hadheeyey, sida ay Masuuliyiin dawladda Somaliland ka tirsani u xaqiijiyeen Suxufiga lagu magacaabo Gianluca Iazzolino oo ka hawlgala Jariiradda la yidhaahdo The Guardian oo dhawaan booqasho ku yimi Caasimadda Hargeysa.

War-bixintan uu saamaynta kala duwan hadday taban tahay iyo hadday togan tahay-ba uu Suxufigaasi ka diyaariyey adeegga Zaad oo ku qornayd luuqadda Ingiriisida, balse aannu luuqaddeenna Soomaaliga idiinku soo turjunnay, waxa uu Weriyuhu Ciwaan uga dhigay ‘Somailand Waxay Ka Hirgalay Lacag Moobilka, Laakiinse Qiimahee Ayay Ku Joogtaa?’. Waxaanu ku bilaabay sidan:-

“Lacagta Moobilka ee Zaad waxa uu ku sii balaadhanayaa Somaliland, laakiin doolarka uu isticmaalayaa waxay dhaawacaysaa dhaqaalaha dalka.

Isagoo kala baxaya lacagta Moobilkiisa, Cabdi Risaaq Yuusuf Maxamuud waxa uu soo galay Sayladda Xoolaha Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Waxa uu isha ku dhuftay Geel, waxaana bilaabmay gorgortankii, waxaanu dhiibay gacanta isagoo qiimaha aammusan ee faro-ku-kala-iibsiga isticmaalaya, iyadoo fartiiba la qiime tahay 1000 doollar  waxa lagu gooyay qiime 5000 wax ka badan ah.

Markii heshiiska la gaadhay, gacantii la ruxayay waa la jaray, wadahadal yar oo deg-dega ayaa lagu xaqiijiyay inta aanu dhammayn iibku in lacagtii lagu kala qaato Moobilka (Taleefanka gacanta). Wax lacag caddaan ama kaash ah lama kala qaadan, wax waraaqo ahna lama kala saxeexan. Yuusuf Maxamuud wuxuu bilaabay inuu Mobile-kiisa gacanta ka diro lacagtii lagu heshiiyey. Telefoonkii dillaalka ayaa sanqadh cod ah sameeyey oo tilmaamaya in lacagi u soo dhacday, heshiiskiina sidaas ayuu ku dhamaaday.

Dhacdooyinka noocan ahi waa kuwo caan ka ah Somaliland, halkaasoo tiknoolajiyadda hor-u-socodka ahi, ay buuxisay meelihii ay banneeyeen adeegyada Bangigu.

Waayadii hore, iibka sida kan Yuusuf Maxamuud oo kale ahi, wuxuu u baahnaan jiray warqad la saxeexo iyo dokomentiyada lacag la bixista ee Xawaaladaha tirada badan ee ka dhex shaqeeya gudaha magaalada Hargeysa, immika adeegga ugu caansan ee lacag gudbintu waa Zaad, nidaam lacag dirid telefoon gacmeed oo laga soo minguuriyey adeegga M-Pesa Service ee waddanka Kenya.

Zaad, ayaa la hirgaliyey sannadkii 2009-ii, oo ku shaqeeya shabakadda Isgaadhsiinta ee Shirkadda Telesom, waxaanu suuq fiican ka helay Somaliland. In ka badan 10% dadka 3.8 Million-ka qof ah ee ku nool waddankaas waa isticmaalayaal. Numberrada xisaabaadka Zaad-kuna wuxuu ku dheggan yahay (ku dhejisan yahay) darbi kasta oo Meheradaha ah, waxaa loo isticmaalaa kala iibsiga Xoolaha ganacsi ahaan loo iib-geeyo, Ardayda Jaamacaduhu waxay ku bixiyaan kharashaadka hannaankan Electroniga ah.

Shirkadaha Xawaaladuhu waxay ka haystaan oo ku awood badan yihiin lacagaha laga soo dirayo dunida kale dacalladeeda, laakiin Somaliland gudeheeda waxaa haysta Zaad-ka. Cabdikariin Maxamed Iid waa Maamulaha guud ee Shirkadda Telesom, waxaanan wax ka weydiiyey in dadku ku qanacsan yihiin oo ku xidhan yihiin wax-qabadka adeeggan. “Way na aamminsan yihiin. Sidaas darteed, waxa uu adeeggani siinayaa fursadda ah inay ku bixin karaan mushaharaadka shaqaalaha nidaamkan Zaad, taasoo ah hannaan dhaqaale oo Electronic ah. Haddii dadku wada qaataan Zaad, qof kasta hawshiisa ayuu ku qabsan karaa.” Sidaa ayuu yidhi Cabdi Kariin Maxamed Iid.

Sannad gudihii, nidaamku wuxuu noqday mid shaqeeyey, dadka isticmaala tiradooduna kor ayay u kacday, sannadii 2011-na Shirkadda Telesom waxay daaha ka fayday Salaam, oo ah adeeg hannaan Islaami ah ku shaqeeya oo ay adeegyada uu bixiyo ka mid yihiin, Xisaabaha kaydka, xisaabaha socda iyo daymo yaryar oo uu dadka siiyo, si fiicanna ugu xidhiidhsan Zaad. Dadka ganacsataduna waxay qaateen ogaysiinta ah, ballan-qaadka ku adeego bilaa kaash, kuna kaydso adoon xarun tagin, hannaankaas oo bariga Afrika ka hano-qaaday.

Cabdillaahi Xasan, oo 24 jir ganacsade ah, wuxuu tilmaamay in nidaamkiisii shaqo uu wax ka beddelay hannaanka Zaad-ku. “Waxaannu ka tagnay lacagtii waraaqaha ahayd oo uga wareegnay ‘Ku iibsiga Zaad’, sidaas darteed dadku waxay socon karaan iyagoo amni ah oo lacagtoodii ku sita Zaad.”

Hawlaha Caasimadda gudeheeda ka socda ,lacagta kaash ka ahi waxay leedahay saamayn xoogan, lacagta rasmiga ah ee waddankuna waa Shillinka Somaliland, laakiin Zaad-ku wuxuu ku shaqeeyaa lacagta Maraykanka ee Doollarka ah. Sidaas daraaddeed, dadka aadka u isticmaala waa dadka ganacsiga gaarka ah haysta, shaqaalaha hayadaha, iyo dadka lacagaha dibedda looga soo dirayo qaarkood.

“Shaqaalahayaga dawladdu waxaannu ku siinnaa mushaharooyinka Shillinka Somaliland,” sidaas waxa yidhi Weli Daa’uud Cigaal, Agaasimaha qorshaynta ee Wasaarada Maaliyadda Somaliland, waxaanu intaa sii raaciyey oo yidhi; “Dhaqaalahan lacagta Doollarku wareejinayso, Zaad-ku wuxuu kor u qaaday qiimihii, arrintanina waxay noo saamaysay si gaar ah.”

Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, ayaa sheegay in adeegga Zaad-ku uu sababay sicir-barar, waxaanu yidhi; “Adeegga Zaad waxa uu nagu keenay Sicir-barar, waxaanay Zaad dishay sumcaddii lacagta sharciga ah ee waddankayaga. Waddanka  Kenya ama Tanzania, Shirkadaha isgaadhsiinta ee hannaanka Telefoonka lacagta lagu diro isticmaalaa, waxay adeegsadaan lacagta waddamadooda laga isticmaalo. Waa maxay sababta ay kuwani kaga duwan yihiin?”

Ma jirto cilmi-baadhis Zaadka ku xidhiidhinaysa Sicir-bararka oo la shaaciyey, inkastoo adeeggani ku dhacay dhinaca sharciga, Zaad wuxuu sameeyey isku-dayo uu ku saxayo nidaamka sharciyadda isu gudbinta lacagaha waaweyn ee caalamiga ah. Laakiin, ma jiro sharci iyo xeer xakamaynaya ama dood Xildhibaannada Golayaasha Xeer-dejinta waddanku ka yeesheen sharciga Baananka ganacsiga oo la meel-mariyey. Halka ay uga dabbaal-degayaan isticmaalka adeegga Zaad ee wax ku oolka noqday, dad badan oo reer Somaliland ahi waxay aamminsan yihiin in la socod la’aanta dawladda ee Telesom ay saamayn ku leedahay dhaqaalaha waddanka.

Dhinaca kale, Shirkadda ay suuqa ku xafiiltamaan Telesom ee Dahabshiil, ayaa ku talo-jirta baahinta nidaamkeeda adeegsiga telefoonka gacanta ee lacagta la isugu diro oo lagu magacaabo, E-Dahab, kaasoo ay isticmaali doonaan dadka adeegsada Somtel. Dahabshiil oo ka mid ah ganacsatada ugu cadcad Afrika ayaa samaysay qaybta isgaadhsiinta ee Somtel sannadkii 2008-dii. Dahabshiil habkeeda lacagta Moobilku waxay haysataa jaaniska ah inay xarumo badan dunida ku leedahay, kuwaasoo u saamaxaya dadka Somaliland ee qurbaha joogaa inay si sahlan wax u diraan.

Zaadku waxa uu ku sii durkayaa inuu noqdo caalami, ka dib markii labada xawaaladood ee Tawakal iyo World Remit ay ballan-qaadeen inay saamayn xoog leh ku yeeshaan ganacsiga xawilaadda.

Dadweynaha qaar baa tilmaamaya in tartarnak Telesom iyo Dahabshiil ee lacag moobilku sii ballaadhay markay Xukuumadda Somaliland ku guul-darraystay inay la socdaan sharcina u sameeyaan lacagta Moobilka. Kuwa kalana waxay ku doodayaan in taasi sababayso inay yaraadaan koritaanka hababka Maaliyadda. Shirkaddan Telesom waxay aamminsantahay in habka Maamulka Maaliyaddu hirgeli karo uun marka Somaliland xidhiidh toosa la yeelato Baananka dunida.

Safiya Cismaan Taani waxay La-taliye dalka gudihiisa ah u tahay Ururka Shaqaalaha Adduunka. Waxaanay tilmaantay dhibta haysata Dumarka ku nool baadiyaha, waxaanay tidhi; “Ma awoodaan inay helaan lacag amaah ah, ha ahaato kaash ama ha ahaato lacagta Moobilka.”  iyadoo intaas raacisay; “Xataa ma furan karaan Zaad, waayo waxaanay lahayn taysaro(ID) (ama Kaadhka aqoonsiga).””

• Waqtiga la daabacay waxa uu ahaa  23 May 2014

Waxa qoray :Gianluca Iazzolino for the Guardian

Turjumaadda Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.