Qarax ka dhacay Madaxtooyada Somaliland agteeda, Khasaaraha ka dhashay iyo dad loo qabtay

Hargeysa(Aftahannews):- Qarax loo adeegsaday Walax gacan ku-samays ah, ayaa mar kale ka dhacay Galabta Abbaaro 5:30-kii agaagaarka Aqalka Madaxtooyada Somaliland.

Qaraxan oo sanqadhiisu ka duwanayd laba qarax oo todobaadkii hore xilli habeenimo ka dhacay Hargeysa, ayaa waxa uu ka dhacay afaafka hore ee Wasaaradda Caddaalada oo soddon tallaabo u jirta Aqalka madaxtooyada, waxaana jira dhaawacyo fud-fudud oo ka soo gaadhay dadka shacab ah oo ku sugnaa goobta maadaama ay ahayd xilli maalin ah oo isu-socodka dadku badan yahay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dalka, haseyeesehee wararka soo gaadhay Codkahargeysa.com, ayaa tibaaxaya in hal qof oo goobta ku sugnaa loo qabtay dhacdadan, ka dib markii ay goobta gaadheen ciidamo tira-badan oo ka mid ah qaybaha ciidanka Booliska, kuwaas oo markiiba isku xeeray goobta, isla markaana muddo yar hakiyey isu-socodka gaadiidka mara jidka qaraxu ka dhacay oo ku yaala meel Isku-goys ah oo Afar waddo Isku-jaraan.

Qaraxyada noocan ah oo noqonaya kii saddexaad ee muddo todoba maalmood gudaheed ah ka dhaca caasimadda, ayaa loo adeegsaday walxo gacan samays ah, waxaanay ciidamada ammaanku u xidh-xidheen dhacdooyinkaas tiro dad ah oo lagu tuhunsan yahay.

Lama-garanayo cidda ilaa immika ka dambaysa qaraxyadan, waxase ay xukuumaddu ku xidhiidhisay khilaafka kala jabiyey Xisbiga Kulmiye iyo arrimo siyaasadeed.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo shalay ka hadlay ammaanka dalka, ayaa dhacdooyinka ammaan-darro dusha u saaray dad uu sheegay inay hogaaminta dalka doonayaan iyo kuwo Hay’addaha amniga ka tirsan  oo aanu magacyo-dhabin.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Bilayska oo iyaguna ka hadlay qaraxyada noocan ah, ayaa sheegay inay la bilaabmeen Khilaafka xoogaystay ee Xisbiga Talada haya ee Kulmiye.

Laakiinse Garabka Muuse Biixi  ayaa cambaareeyey, wax laga xumaadana ku tilmaamay eedeymahan iyo xadhigga dad badan oo Khilaafka xisbiga arrimo la xidhiidha loo qabtay habeenadii la soo dhaafay. 

Xigasho CODKAHARGEYSA.COM