“Dawladda waxani haddii ay ka tahay halla baqo Madaafiicdii Siyaad Barre ayaa laga biqi waayey” Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

Maxamed Xaashi waxa uu masuuliyadda dawladda ugu baaqay inay is-casilaan!

Hargeysa(Aftahannews):- Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumadda Siillaanyo, ayaa Masuuliyiinta Xukuumadda ugu sarraysa ku eedeeyey inay ku fashilmeen hoggaaminta dalka, isla markaana waxa uu u soo jeediyey inay is-casilaan maaddaama oo ay fashilmeen sida uu sheegay.

maxamed-xaashi

Maxamed Xaashi Cilmi oo tan iyo sannadkii hore ka tirsan Siyaasiyiinta la baxay Madashada Wada-tashiga,, ayaa shir jaraa’id oo ay maanta Siyaasiyiinta Madasha ku midoobay qaarkood ku qabteen magaalada Hargeysa ka hadlay, waxa uu uu sheegay inay wax Somaliland ku cusub tahay tallaabooyinka iyo dhaqanka Ciidammada loogu yeedho RRU-da oo ah qayb Booliska ka tirsan oo loo tabobbaray la-dagaallanka Argaggixisada.

“Waxaan donayey in aan ka hadlo arrin innagu cusub oo ayeynaan hore u arki jirin oo dalka ku cusub oo la yidhaahdo qoladan RRU. Kolka hore waxaa is weydiin leh RRU waa maxay? Yaa xukuma? Yaa kharashka bixiya? Halkay innaga soo gashay? Ma wax ka baxsan dawladdeennaa oo ajinabi ayaa Xukumadda?” sidaa ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Waxaanu intaas ku sii daray oo yidhi; “Taasina ay wax u dhimayso Madax-bannaanideennii. Kolka daakhiliga la weydiiyo wuxuu yidhaahdaa anigu ma ogi, Gerneralka ciidanka Booliska marka la weydiiyo wuxuu yidhaahdaa anigu ma ogi. Markaa, waxa is weydiin leh RRU-da xaggee laga amraa. Dabeecadda iyo habka ay u dhaqantaa waa hab aad u qalafsan, waana astaamaha kacdoonku ka dhasho.”

“Nin ay maalintii suuqa ka helayaan oo fadhiya makhaayadaha oo aad yar loo keeni karo Saman, oo la odhan karo berito maxkamada kaalay ayaa intaas intay dhaafaan ayey saqda dhexe gurigii ugu galayaan oo ay jabsanayaan, waa wax inagu cusub. Maxaa wakhtigaas ay ula eeganayaan? Maxay Carruurtii iyo reerkii uga sasinayaan oo waxan oo dhibaato ah maxay dalwaddu ku falaysaa?” sidaa ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

Waxaanu Eng. Xaashi intaas raaciyey; “Haddii ay ka tahay halla baqo madaafiicdii ina Siyaad Barre iyo diyaaradihiisii waa la soo dhaafay oo wax lagu baqo maaha, hadii ay ilLaabeen waannu u sheegaynaa waxaannu leenahay baqi ma jirto ee idinku ciirta hayska daadinina, wixii qayrkiin eeday mahadinmaysaan, dadka ka daaya argagax-gelinta.”

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu ayaan-darro ku tilmaamay hadallada Wasiirka arrimaha gudaha iyo Taliyaha Booliska Somaliland, waxaanu yidhi; “Waxaa yara doqoonniimo ah in nimankaas madaxda ah ee daakhiliga iyo Booliska ah inay yidhaahdaan waxan dhacaya garan mayno iyaga ayey ku tahay doqonimo weyn, inay is casiliyaan ayey ahayd ilaahbaa risiqa hayee hadii aanay joojin karayn waxan socda.”

“Xisbiga KULMIYE wixii uu ka cabanaayey oo dhan, haday musuqmaasuq tahay, haday sharci darro tahay wixii oo dhan maanta isaga ayaa ku dhaqmaaya, KULMIYE waxaan u malaynayaa ta qudha ee u fiican waa Madaxweynaha iyagoo iska casila oo dariiqa u baneeyaan oo dawlad ku meel gaadh ah, sidii loo sheegaayey Baarlamanka wakhtigiisii w uu dhamaaday sharci daro ayuu ku joogaa, kolkay shaqadooda qabsan waayaan ayaa la yidhaahdaa kordhin, kordhin dambe oo la aqbalayaa ma jirtee ninkii shaqadiisa ka seexdaw iskaga tag.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

Waxaanu Maxamed Xaashi intaas ku sii ladhay oo yidhi; “Xisbi ayaad maamuli kari weydeen oo aad isku haysataan oo qayladiisu socotay mudadaas dhan, dalna ma maamuli kartaan, markaa waxa weeyaan shaydaanka iska naara, dariiqa baneeya, is casila oo dawlad ku meel gaadha hala sameeyo oo sharciyada hagaajisa oo aan waliba iyadu ka qayb galin doorashada.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.