Guddoomiye Muuse Biixi Dantaada Ta Qaranka ka horreysii, Madaxweyne Siilaanyo adna!

Waxaan Salamaya Warbaahinta Xorta ah ee Bulshada u gudbisa fikirka caafimaadka qaba, kana dhawrsoon naxliga iyo xumaanta, intaas kadib Waxan halkan laba farriimod uga kala diraya guddomiyaha kulmiye muse bixi iyo madaxweyne silanyo.

Muuse-silanyo

Waxaynu ognahay in khilaaf culus u dhaxeeyey maalmahan u danbeeyey madaxweyne siilaanyo iyo muuse biixi  oo isku haya han siyaasadeed, waxan labada  Masuul ba u soo jeedin lahaa laba farriimood oo miisaan culus.

Marka hore Muuse Biixi waxan odhan lahaa Waxad Tahay Guddomiyihii Xisbiga Kulmiye, waxaa lagaa raba inaad muujiso masuuliyad iyo dulqaad, waxan jecelahay inan ku xasuusiyo faaidoyinka dulqaadka, iyo samirka, waxaynu ognahay in qof kasta oo samir iyo dulqaad la yimaada uu ku guleysto hamigiisa iyo noloshiisa ba, isla markaasna uu noqdo qofka nolosha uu nool yahay ku guuleysta, taasna waxa ka marag ah imisa ayaynu u soo joognay halgaamaa, Mujaahid weyn ah oo Samir iyo dulqaad layimi mar iyo 2 iyo 3 ba oo aakhirkii halkuu rabay tegey, noloshiisana arkay wixii uu ugu jeclee ee uu ku hammiyi jiray, waxan ku odhan lahaa mudane guddomiye adoo ixtiraamaya Hawlaha Baaxadda leh ee Qarankan ka socda iyo mashaariicda sxbkaa Mujahid Siilanyo ka wado dalka, ado qadarinaya xaaladda siyaasadeed ee wakhtigan, adoo eegaya hannaanka dimuqraadiyadeed ee waddanka iyo xisbigii aad ku jirtay dhowr iyo tobanka sanno, adoo qiimaynaya kana shidaal qaadanaya wixii kudhacay xisbigii talada aad kala wareegteen ee UDUB,  adigoo  og samirka aad sannadka manta ah samirtaa inu dhali karo guul aad gaadho berri oo 5 sanno ma fogoo waa ayaamo tirsane aad kursiga isku xejiso 5taas sanno, maada madaxweynuhu ba isagoo dhowr sano hogaamiye xisbi ah oo han madaxweyne lahaa ku qancay 80 cod oo lagu yidhi samir iyo duco qaado, adna manta waxan ku leenahay cidda xukunka haysaa waa isla adigii uun, waa xisbigaagi, guulaha uu xisbigu gaadho waa kuwa aad Kaambaynka iyo ololaha ku faani doonto, isla markaasna waxa wacan in xisbigii tacabka badan kaga soo baxay aanad ka dhigin tacabkaagi hal bacaad lagu lisay ee aad muujiso in madaxweyne siilaanyo oo ahaa sxbkaa haduu ballan kaaga baxay iyo hadaanu kaga bixin baa ad ku qanacdo inaanu mar 3aad jaanis lahayn oo tanaasul muujiso, kuna qanacdo fursadda 3aad ee anu sharcigu u ogolayn inaad adigu tartanto, sidaasna uu kugula shaqeeyo maalintaada dadkuna ixtiraam kugu hayo, waxan mudane guddomiye kugula talin lahaain sharafkaagi aad so celiso oo aanad dulqaad yari ku lumin kalsoonidii adiga iyo madaxweyne siilanyo idin dhaxaysay maadama aad warbaahinta maalmo aan fogeyn oo dhowr bilood ka soo wareegtay ka sheegtay in madaxweyne siilanyo mar walba kuu hiiliyo garabkaagana yahay, tiina aad yaqiinsanaatid, ballanqadki uu madaxweynuhu galay waxa ka mid aha inu xisbigakugu warejiyo wanu kugu warejiyey marku xilki qaranka la wareegay, wuxu kaa reebay siyasin beeshaada ah oo kugula tartamay hogaanka xisbiga kulmiye, hadaad si madhxisato oo kalsoonidii dib u soo celisona hadhow sidaasu kugu hiilin doona, lakin mar walba ha hilmaamin in jaanis 3aad oo madaxweynaha u bannaan anu jirin ee uu rabo uun inu dalka magac , sharaf iyo waxqabad muuqda oo shakhsi ahan isaga iyo xisbigaba lagu xasuusto uu ka tago, waxana kuu sharaf mudane guddomiye inaanad kalsooni badan isaga lumin khilaaf iyo xuman idin dhex timada adiga iyo sxbka madaxweyne siilanyo, isla markaasna ay ku fiicantahay inaad dantaada gaarka ah ee kursi doonka ah ad ka horeysiiso tan qaranka ee ah manta ya waxqabad u wada oo meel wacan dalka marinaya, taaso weliba adiga faan iyo waxad kaambayn ku gasho kuu noqon doonta mustaqbalka dhow.

Marka 2aad madaxweyne siilaanyo waxan talo ugu soo jeedin lahaa , Mudane Madaxweyne Sxbkaa Muse Biixi waxa suuro gal ah inu kugu kaambayn gareeyey 5ta danbe ha ku siiyo, wana qof bini adam ah oo adigoo kale ah, damac iyo han siyaasadeed waa geli karaa, waxa kalo macquul ah inu Beeshiisa markii uu kaga ololaynayey ku soo xero geliyey “hadaad manta siilanyo doorataan anigaad I doorateen oo madaxweyne nimo 5ta hore siilanyo ayaynu u dooranayna 5ta danbena aniga, marka hadaad naga codaysan anigaad I diideen oo iga codayseen”  sidii aad ogayd na beesha aad wadatay mujaahidkoodi waynaa hal daba la’ ayay kugu codeeyen yacnii 99% way kuu codeeyeen, markaa madaxweyne ha tuurin kalsoonidii gudomiye kuxigenkagi hore ee kulmiye ahna guddomiyaha xisbiga ee manta, maan maqal mana arag isagoo leh madaxweynuhu waa beentii iyo waxas ismaanan odhan, lakin adigu tidhi oo kelmado warbaahinta u marisay,  marka madaxweyne soo celi kalsoonidii sxbkaa oo ha soo gacan nabaro sxbtinimo oo hore idin soo  kala gaadhay kuna cafi waxyaabo wanaagsan oo badan oo uu ku sameyey, hadii uu iminka tanaasulo na kalsoonida sidii hore kaba sii badi oo la halgan sida uu manta isba kuula halgamay, waxana jecelay inaanad kula yaabin damiciisa siyaasadeed ee ad isu caqli celisaan, iskun sir qarsataan sidii caadada idin ahayd, keligiin oo an cidi idin wehelina aayahiina iyo sxbtinimadiina iyo masuuliyaddiina ka tashataan.

Gebagabadii Waxan kula talin lahaa in khilaafka lagu dhameeyo isu tanaasul isla markaasna la soo celiyo kalsoonidii ay shacabku ku qabeen xisbiga oo ad moodo inay sii lumayso oo ay ka dhalan karto in beelihi ay dib inogu celiso, anigoo ka xun Dhalinyaro iyo ashkhaas waayel ah oo u hadlay si beelaysan lana kala safan guddomiyaha iyo madaxweynaha, waxyaabahaas oo sii fida ayuunbana keeni kara in dalku dib ugu noqdo beelihii iyo qabyaaladdii aynu damacsanayn inaynu baabiino. Ilahay Xaqa ha ina waafajiyo.

Ishwaaq Abdirahman Ali

ishwaaq44@live.com

Burco Somaliland.

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.