Dawladda Kenya oo ka hadashay Taleefanka Madaxweyne Uhuru oo la dhegaystay

Nairobi(Aftahannews):- Dawladda Kenya ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday in Sirdoonka Maraykanku si toosa u dhegaystay Taleefanka Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta, taasoo ay ku tilmaameen xad-gudub lagu sameeyey guud ahaan Kenya.

Uhurusmall

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Is-gaadhsiinta Kenya Fred Matiang oo Nairobi warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay in tallaabada basaasidda Taleefanka Madaxweynaha Kenya ay ku sameeyeen Sirdoonka Maraykanku dhaawacayso siraha gaarka ah ee Madaxweynaha iyo Qaranka Kenya aan cidi la wadaagin.

Waxa uu Wasiirka Warfaafinta iyo Is-gaadhsiinta Kenya Fred Matiang oo arrintaa ka hadlayaa ydihi; “Arrintan oo kale waxay dhaawacaysaa Siraha gaarka ah ee Madaxdeena iyo Qarnaka Kenya, mana aha wax laga aqbali karo Maraykanka oo aynu aqbali karno dhinaceenna.”

Fred Mataing waxa kale oo uu sheegay in hawshan lagu xallin doono qaab-dublamaasiyadeed, isla markaana la ogaaday xog ku saabsan in la dhagaystay wadahadallo dhex-maray Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Xubno hore uga tirsanaa Aqalka Sare (Guurtida) ee Baarlamaanka Kenya.

Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta Kenya waxa uu ku dooday in qaab diblamaasiyadeed loo dhammayn doono hawshaas, isla markaana ay Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ka hawlgalayso sidii ay wadahadal ugala yeelan lahayd dhiggeeda Maraykanka.

“Waan ognahay in arrintani ay tahay mid shaac-baxday, waayo? Waxa hore loo Basaasay oo Taleefannadooda la dhegaystay dad ay ka mid yihiin Raysal-wasaaraha Jarmalka Angela Markel iyo Madax ka tirsan Midowga Yurub. Laakiin, waxaan ka digaynaa dhibaatada ka dhalan karta Basaasiddaas sharci-darrada ah ee Taleefanka.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta Kenya Fred Matiang.

Dhegaysiga Taleefannada ay isticmaalaan Masuulyiinta dawladaha kala duwan ee caalamka, ayaa soo baxday sannadkii hore ka dib markii uu nin ka tirsanaa FBI-da Maraykanku fashiliyey Sirta ah inay dhegaysteen Taleefannada Masuuliyiin kala duwan, waxaana markaa ka dib soo baxay cabashooyin la xidhiidha Madax Sirdoonka Maraykanku taleefannadooda dhegaysteen oo ay ka mid ahayd Raysal-wasaaraha Jarmalka iyo kuwo kale.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com                                                 

Hargeysa/Somaliland.