Kooxo bastoolado ku hubeysan oo Gabar dhallinyaro ah ku Toogtay Huriwaa

Muqdisho(Aftahannews):- Kooxo hubeysan ayaa maanta ku toogtay xaafad ka tirsan degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir haweeney rayid ah, iyadoo ay kooxaha dilkaan ka dambeeyay ayaa markiiba baxsaday.

NEWS

Gabadhan oo aanu magaceeda helin ayaa la sheegay inay toogteen saddex wiil oo dhallinyaro oo bastoolado ku hubeysnaa xilli ay doonaysay inay waddada ka tallowdo, lamana oga sababta ay u dileen iyo cid dilkeeda ka dambeysa.

Dableydan ayaa waxay gabadha ka toogteen qaybta sare ee jirka, iyadoo isla goobtii lagu toogtay ku geeriyootay, waxaana dadka deegaanku ay xuseen in kooxaha hubeysan ay gabadha kaga yimaadeen gadaal ayna toogteen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in gabadhan ay dhawaanahan farriimo hanjabaad ah ka helaysay kooxo aysan garanayn, iyagoo uga digayay inay joojiso inay kala baxdo faraha ciidamada dowladda oo ay sheegeen inay u shaqeynaysay.

“Waxaan filaynaa in hanjabaadaha ay ka imaanayeen Al-shabaab, kooxaha dilka ka dambeeyayna ay Al-shabaab ka tirsan yihiin. Way baxsadeen waana arrin aad iyo aad naxdin u leh,” ayay tiri gabar ka mid ah kuwa ganacsiga ku haysa meel ku dhow halka lagu toogtay gabadhan oo dhallinyaro ahayd.

Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in gabadhan ay u adeegi jirtay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmada oo ka mid ah degmooyinka ugu ammaanka xun Muqdisho.

Ugu dambeyn, taliyaha booliiska degmada Huriwaa oo isna wabaahinta hadal siiyay ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo kuwii dlkaas ka dambeeyay, iyadoo maydka gabadhan ay goobta ka qaadeen ehelladeeda.

Degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaa dhawaanahan ka dhacayay dilal ay geysanayaan kooxo taageersan Al-shabaab, iyadoo dadka la dilo intooda badan lagu eedeeyo inay dowladda ka tirsan yihiin ama u shaqeeyaan.

Xigasho Hiiraan.com.