Wasiir-Warancadde waxan leeyahay Is-casil intaan Ceebtu intaas kaaga sii badan!

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA SOMALILAND CALI WARAN-CADDE

Cali Maxamed Waran-cadde waa Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga guud ahaan geyiga Somaliland waxaynuna wada ognahay in labadii habeen ee ugu danbeeyey gudaha magaalada Hargeysa ee uu ku sugan yahay ay ka dhacayeen qaraxyo aan isaga xilligiisan ka hor noocooda looga baran Somaliland.

WASIIR WARAN-CADDE

Arrintaasi waxay muujinaysaa iska daa Somaliland oo dhan ee wasiirku inuu ogaan kari waayey in ay jirto cid ku hawllan sidii qaraxyo ay uga samayn lahaayeen Hargeysa gudeheeda. Waxana isweydiinteeda mudan Ereyga “Qaraxyo Somaliland ka dhacay” saamayn intee le’eg ayuu xagga caalamka iyo sumcaddaba ku yeelan karaa Somaliland mase dhici kartaa in waddannada America iyo Europe muwaaddiniintooda uga digaan inay Somaliland u safraan kuwa gudaha ku jiraana si deg deg ah uga baxaan iyadoo uu innakusoo fool leeyahay xilligii Xagaaga ee dadweynaha tirada badani fasaxyadooda kaga iman jireen waddanno badan oo adduunka dacalladiisa ah.

Wasiir-Warancadde wuxu saxaafadda u sheegay in qaraxyadan ay ka danbeeyaan rag ka tirsan Xisbiga haya talada dalka Somaliland ee KULMIYE Xisbigan oo ah kan xataa Madaxweyne-Siilaanyo iyo in badan oo wasiirrada xukuumadda ahi ka mid yihiin.

Waxay ahayd haddiiba arrintu sidaas tahay in hadalkan qaawan sidaas si ka hufan uu u yidhaahdo Waayo waxa cid kastaa is weydiinaysaa hadalkan wasiirku inuu yahay dawladda iyo xisbigeeda ayaa gudohooda qaraxyadan samaynaya markaa waxan leeyahay wasiirkan ceeb bay ku tahay dawlad iyadu is qarxinaysa inuu wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga kasii ahaado.

Waxa kale oo jirta Wasiir-Warancadde dagaalkii ciidammada RRU-du saqdii dhexe ee xalayto ku qaadeen wasiirkuxigeenkii hore ee Amniga iyo gurigiisa ninkii Ilaalada wasiirka ahaa ee ciidammada RRU-du dhaawaceen inuu saaka saxaafadda ka sheegay in dhaawaciisu mid fudud yahay haddana isla gelinkii danbe ee maanta ninkaasi uu u geeryoodey dhaawacii ciidammada RRU-du u geysteen.

Waxa hadalkan wasiirka ee arrintaasi kazoo dhex bixi kara fasiraado badan oo la odhan karo wasiirku miyuu qarinayey dhaawaca geerida sababay ee ninkan ciidammada RRU-du u geysteen mise ninka dhaawaciisa waa la daawayn waayey sideese dhaqan ahaan beesha ninkani kazoo jeedey u qaadanaysaa hadalkan wasiirka arrimaha gudaha kazoo yeedhay mase lagu kala samri karayaa hadalkaas iyo geerida ninkan mase ku yeelan kartaa ciidanka RU-da iyo shacabka dhexdooda saamayn la mid ah tan ka dhexaysa ciidanka Puntland ka jira ee loo yaqaanno PS-ta iyo bulshada degaannadaas ku dhaqan

Sikastaba ha ahaatee waxan leeyahay Wasiir-Warancaddow waad aragtaa xaaladdu maanta halkay maraysee intaan ceebtu intaas kasii badan iska casil xilka wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Somaliland.

Qalinkii:Sugulle Waabberi

cadde2012@hotmail.co.uk

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.