Nabad-sugidda oo soo badhigtay Meydka Dhagar-qabe Al-Shabaab ah iyo Gaadhi uu watay

Muqdisho(Aftahannews):- Hay’adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliya, ayaa maanta soo bandhigtay gaari noociisu ahaa Toyota NOHA oo ay wateen maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo iyagu isla maanta dad shacab ah ku toogtay maqaayada Beder ee ka soo horjeedda wasaaradda arrimaha dibadda ee magaalada Muqdisho.

DSC01884 DSC01894 DSC01898 DSC01899 DSC01902 DSC01914 DSC01916 DSC01917 DSC01920 DSC01924 DSC01933DSC01884

Maleeshiyaadka oo adeegsanayay Qori ah mooca aan la maqal shanqarta rasaasta ka dhaceeysa ayaa odayaal ku toogtay maqaayadda Beder, kadibna waxaa halkaasi ka dabagalay ciidamo ka tirsan hey’adda nabadsugidda,  hase yeeshee maleeshiyaadki ka tirsanaa Shabaab oo isku dayaya iney baxsadaan ayaa gaarigi ay wateen waxa ciidamo ka tirsan nabadsugidu ku qabteen isgoyska Bakaaraha.

Wadihii oo qalqalay ayaa Baalle ku dhuftay gaarigii, kadib markii ciidamada Nabadsugidu ay dhowr jaho rasaas uga soo fureen gaarigaasi, waxaana halkaasi ku geeriyooday dhagar qabihii dadka dilay,  halka wadihii uu baxsaday.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.