Masuuliyiinta Haatuf oo ka warramay sabab aanay Axadda u hor-tegi doonin Maxkamadda

Hargeysa(Aftahannews):- Masuuliyiinta Warbaahinta Haatuf oo toddobaaddkii hore la sii-daayey, ka dib markii ay muddo laba toddobaad ah ku xidhnaayeen Xabsiyada magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley, ayaa sheegay inaanay maalinta Berri ah oo ay u muddaysnayd inay hor-tagaan Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, waxaanay ka warrameen sababta aanay berri u tegayni waxa ay tahay.

Guddoomiyaha Haatuf Media Group Yuusuf Cabi Gaboobe iyo Tifaftiraha Wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige oo toddobaadkii hore damiin ahaan lagaga sii daayay Xabsiga Magaaladda Gabiley oo Muddo laba Todobaad ah ay ku xidhnaayeen ayaa Shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Magaaladda Hargeysa waxay ku baaqeen in Dacwadooda loo maro Xeerka Saxaafadda oo Sanadkii 2004 uu u saxeexay Madaxweyhihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.