Maxkamadda Ciidammada oo dil iyo xadhig ku xukuntay 3 qof oo Ardayad Soomaaliyeed dilay

Muqdisho(Aftahannews):- Maxkamadda Ciidammada Qalabka ee Soomaaliya, ayaa maanta Xukun dil iyo xadhig isugu jira ku ridday eedaysanayaal loo haystay dilka Gabadh dhalinyaro ah oo ay bishii hore gurigooda oo Muqdisho ku yaalla kala baxeen, isla markaana ay ehelkeeda ku hortoogteen, iyagoo u adeegayey argagixisada Al-Shabaab.

DSC01832 DSC01800 DSC01855 DSC01814 DSC01832 DSC01840 DSC01842 DSC01846 DSC01848 DSC01849 DSC018552014531635371369641889104Eedeysanayaal

Maxkamadda ayaa maanta xukun ku ridday eedeysanayaashaas oo ahaa saddex qof laba nin iyo Haweenay, kuwaasoo Maxkamaddu sheegtay inay dileen Nafiso Cusmaan oo aheyd Ardayad Soomaaliyeed oo ka qalin-jebisay Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Soomaaliya.

Maxkamadda Ciidammada oo maanta u fadhiisatay dhageysiga dacwad ciqaabeedka loo haystay saddexdaasi eedeysane oo kala ah Xasan Salmaan, Shaafici Cabdicasiis iyo Haweeney lagu magacaabo Deeqo Diraac. Xeer-ilaalinta Qaranka, ayaa Maxkamadda u gudbisay eedeymaha loo haystay saddexdaas ruux.

Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya Liibaan Cali Yarrow, ayaa ku dhawaaqay xukunka ay Maxkamadda ku riday saddexdaas qof, iyadoo Shaafici Cabdicasiis iyo Xasan Salmaan lagu xakumay dil toogasho ah, halka Deeqo Diraac lagu xakumay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Shaafici iyo Xasan ayaa 6-4-2014-kii waxa ay Allaha u naxariistee dil bareer ah u geysteen Marxuum Nafiso Cismaan Salaad oo ahayd gabar ardayad ka qalin jebisay Jaamacadda Soomaaliya ee (UNISO) ee magaalada Muqdisho.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliy/Office.