TV-yada Madaxa-bannaan oo diiday baahinta Cajalad Md. Siilaanyo laga duubay

Hargeysa(Aftahannews):- Telefeshinnada Madaxa-banaan ee ka hawlgala magaalada Hargeysa, ayaa diiday maanta inay baahiyaan Cajalado lagu soo duubay muuqaalka Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo oo maanta ka hadlay khilaafka KULMIYE, inuu musharrax yahay iyo qaraxyo habeenno ka hor laga maqlay Hargeysa, ka dib markii aan Warbaahinta loo yeedhin ee Madaxtooyadu duubtay muuqaalkaas, isla markaana farsamaysay.

cajaladaha-madaxtooyada

Muuqaal Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta Laga soo duubay Cajalad loogu talo galay in loo qaybiyo warbaahinta, taas oo uu kaga hadlayay Khilaafka Xisbiga Kulmiye iyo waliba xaalada uu xisbigii laga soo doortay ku sugan yahay.

cajaladaha madaxtooyada

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Somaliland ka arriminayay afartii sano eel as oo dhaafay, ayaa markii labaad laga duubay Muuqaal iyada oo loogu talo galay in loo qaybiyo warbaahinta Madaxa banaan ee telefishanada, Wargeysyada iyo Mareegaha.

Telefishanada ka hawl gala Magaaladda Hargeysa ayaa ka biyo diiday Muuqaalkaas loo soo duubay isla markaana loo qaybiyay, Waxaanay ku jajabiyeen isla xarunta Madaxtooyada oo loogu dhiibay.

Masuuliyiinta Telefishanada gaarka loo leeyahay ayaa talaabadan ay ku dhaqaaqeen ay u noqonaysaa mid u horseedi karta isku xidhnaan.

Xigasho Hubaal.