“Ha Werwerina yar iyo weyn” Qormo xiiso badan oo ay Weriye Sahra Ciidle qortay

Washington (Aftahannews):- Suxufiyada Caanka ah ee Sahra Ciidle Nuur oo ka hawlgala Idaacadda VOA laanteeda Afka Soomaaliga, kuna sigan magaalada Washington ee waddanka Maraykanka, aya aqoraal kooban oo ay ku baahisay boggeeda Fecebook, waxay kaga hadashay muranka iyo khilaafka Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, isla markaana waxay dadweynaha u soo jeedisay inay is-dejiyaan oo aanay ka werwerin mustaqbalkooda, balse ay ku dedaalaan yar iyo wayn ilaashiga amnigooda iyo midnimadooda.

SAHRA CIIDLE NUUR

Qoraalkaas ay Weriye Sahra Ciidle Nuur ku baahisay boggeeda internet-ka waxa uu u qornaa sidan:- “Dad yohow dantaada garo! dhalinyaro iyo wayeelba ha wareerina. Maalmahan waxaad moodaa FB inuu isku bedelay Maxkamad waxad arkaysaa uun qaar dacwoonaya iyo qaar garnaqsanaya oo cid ay is hayaanba aanad garanayn, sidaas aawadeed bal aan afar erey idhaahdo.

 1- Dagaalka Dimuqraadiyadu waa ka ugu qasaaraha yar ee dunida ka dhaca, waana ka ugu saamaynta badan markaa waxaan idin odhan lahaa buuqa aad maqlaysaan maaha beelo is haya iyo duulaan lagu soo qaaday dantaada gaarka ah, waa masuuliyiin ku loolamaya xisbigooda gudihiisa, kii roonaada ayaa soo hadhiye ha noqonina Siidhi wale yaal aan cidi igman.
 
2- Xisbigu laba jeer uun buu xaq kugu lee yahay, hadii aad xubin ka tahay inaad bixiso lacagta membership fee ga , isla markaana aad barnaamijkiisa fidiso. Hadii aanad xubin ka ahayna inaad maalinta doorashada ee uu cod ku waydiisto aad Codkaaga siiso ama aad u diido.
 
3- Xaq kuuguma laha xisbigu inaad ku wareerto oo aad la kala safato, una seegto School kaaga, ama shaqadaada, kuwa debedaha jogaana stress koodi kalaba ka bataye ha wareerina sxb Pay your Pills and take a rest.
4- shacbigu yaanay iska qaadin awooda ay lee yihiin ee ah in ay iyagu lee yihiin go’aan ka kama dambaysta ah si kasta oo xisbigu u soo loolamo ama isku soo xag xagto ugu dambayn idinka ayu idin hor imanayaa oo dooranaya ama diidi kara, markaa maxaa iyood la gaadhin xiligii doorashada aad iskugu sii buuqaysaan ee dhiiga idinku kariyay.
5-aan idiinku daro e dantiina ugu wayni waxay ku jirtaa xasiloonida iyo nabad gelyada ee kuma jirto inuu hebel adkaado, waxay dani kuugu jirtaa inaad shaqaysato oo aad school kaaga tagto gurigaagana aad ku soo noqoto adoo nabad ah. that is it.
Sidaa iyo nabadeey ha ku coloobina saaxiibadaa iyo jaarkaaga Hebelo tartamaya oo aan midna biil idin siinin. xataa haduu beeshaada yahay.”
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.