Cabdiraxmaan-Cirro oo ku baaqay in doorasho deg-deg ah laga qabto iyo qodobbo kale

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa ku baaqay in Somaliland laga qabto doorasho deg-deg ah si dalka loo badbaadiyo, maaddaama oo uu khilaaf kala qaybiyey Xisbigii talada waddanka hayey ee KULMIYE oo laba Garab ku kala fadhiya.

Guddoomiye-cirro-300x225

Guddoomiy Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu sheegay in Khilaafka Xisbiga KULMIYE saamayn taban ku yeeshay dalka Somaliland, xidhiidhka dalalka jaarka ah ka dhexeeya, dadka iyo degganaanshaha dalka, haddii uu sii socdana saamayn xun ku yeelan karo qabashada diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha iyo doorasho xilligeeda ku qabsoonta. Sidaa awgeed-na waxa uu ku dooday inay xalka u arkaan in doorashada wakhtigeeda laga soo hor-mariyo, KULMIYE-na khilaafkiisa xalliyo. Isagoo Guurtidana ugu baaqay xallinta ay ka dhex-bilaabayaan labada Garab ee KULMIYE inaan lagu soo darin ama aanay xal u arag muddo-kordhin Madaxweynaha loo sameeyo.

Cabdiraxmaan-Cirro oo maanta hadal ka jeediyey Munaasibad Xisbigiisu u sameeyey Taageerayaal ku biiray oo Hargeysa lagu qabtay, waxa uu yidhi; “Annagu ka xisbi ahaan waannu ka xunahay khilaaf kasta oo ku dhaca Xisbi ka mida Asxaabta Qaranka,waxaan se jecel nahay sida aad ka warqabtaan Axsaabta Qaranku waa Hanti umadeed ee in aan midina inaga Burburin. Sidaa daraadeed, horena waannu u sheegnay haddana waannu ku celinaynaa waxaannu jecel nahay in Xisbigu Khilaafkiisa uu dhexdiisa ku xalliyo isaga oo adeegsanaya Xeerkiisa iyo Xeerarka shaciga.”

Mar uu Md. Cirro ka hadlayey saamaynta taban ee khilaafka KULMIYE yeeshay waxa uu yidhi; “Khilaafka KULMIYE, KULMIYE oo keliya kuma koobnaanayo, maaddaama oo uu yahay Xisbil-Xaakimkii, khilaafkiisu waxa uu saameeyey xasilloonidii Qaranka, werwer badan ayaa haya shacbiga oo ka haya Amniga dalka, ilaalinta amniga dalku waa waajibaadka koowaad ee Xukuumadda dalka, dhammaan Muwaaddiniintana waxa uu xil ka saaran yahay in la ilaaliyo aminga Qaranka.”

Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu sheegay haddii ay nabadgelyadu  khalkhal-gasho inaanay waxba kala soconaynin, waxaanu yidhi; “Haddii uu amnigu innaga xumaado waddanku waa uu innaga xumaanayaa. waxaan soo jeedinayaa in aan shaanidu innagu noqonin waddo Halaq, waa in aynu ka digtoonaannaa waa in aynu arrimaheenna aynu si kale u xallinnaa ee aynaan ku xallin SHAANI (qarax), waxaanan u soo jeedinayaa in cid kasta oo arrintaa lagu tuhmay joojiso.”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu intaas ku darray oo yidhi; “Khilaafka Xukuumadda iyo KULMIYE waxaa uu saamayn ku yeelanayaa dalalka aynu jaarka nahay, waxa uu saamayn ku yeelanayaa hannaanka dimuqraaddiga ah ee Somaliland, waxa uu saamayn ku yeelanayaa qabashada diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, waxa uu saamayn ku yeelanayaa qabashada doorashooyinka oo la rabo in xilligeedii lagu qabto.”

“Waxa uu saamayn ku yeelanayaa Xidhiidhka Deeq-biyeyaasha iyo caalamka-ba, waxa Dastuurku uu qorayaa in Xukuumaddu ay ka masuul tahay ilaalinta amniga iyo dhammaan-ba qodobbadaa aan soo sheegay, Xukuumaddi meeday? Xukuumaddi waxa ay ku maqan tahay oo ay waajibkeedii kaga maqan tahay Khilaafka KULMIYE.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro.

Md. Cabdiraxmaan-Cirro oo ka hadlayey waxa ay Xisbi WADDANI ahaan xalka arrimahaas oo dhan ku soo ururinayaan waxa uu yidhi; “Arrimahaasi oo dhan markii aannu soo koobnay waxa ay leeyihiin hal dawo (Hal Kiniin), tolow Kiniinkaasi waa maxay, maxaad u malaynaysaan?”

“Waddamo badan oo xaaladahan soo maray oo daraasado badan laga sameeyey xal qudhaa loo helay xalkaasina waxaa weeye in doorashada la soo hormariyo oo wakhtigeedii laga soo hor-mariyo si dalka loo badbaadiyo. Markaa, waxaannu soo jeedinaynaa in doorashada la soo hormariyo si dalka loo badbaadiyo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.