Boosaaso: Daawo Sawirrada Bilicda leh ee Soo-dhawaynta Madaxweynaha Puntland

Boosaaso(Aftahannews):- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo uu maanta booqasho ku yimaaddeen Madaxweyne Gaas iyo Wefti uu hoggaaminyo oo ay Xubno ka yihiin Wasiirro, Xildhibaanno iyo Saraakiisha Ciidanka Maamulkaas.IMG_7458IMG_7463IMG_7463Madaxwaynaha

Soo dhawaynta Madaxwaynaha Dowlada Puntland,waxaa ka qayb qaatay Wasiiro,Maamulka Gobolka Barri,Kan Degmada Boosaaso,Odayaal,Waxgarad,Haween,Dhalinyaro iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalo Ganacsiyeedka Puntland Boosaaso.

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dhamaanba gacan qaaday dadkii ka qayb qaadanayay soo dhawayntiisa,oo qaybtood uga horyimaaden halka laga soo galo Magaalada Boosaaso .

IMG_7409Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Waftigiisi markii ay gudaha u soo galeen Magaalada Boosaaso,waxaa loo galbiyay aqalka Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso.

Shir jaraa’id oo uu Madaxwayne Mudane Cabdiwali Gaas Ku qabtay Aqalka Madaxtooyada Puntland  ee Boosaaso,ayuu ku tilmaamay in safaradii uu ku marayay qaar kamid ah gobolada Puntland Salka ku hayeen u kuur galida xaalada nololeed ee shacabka ku dhaqan Gobolada Puntland.

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale tilmaamay in uu ku soo guulaystay dhisida golayaal deegaan oo qaybtood laga soo dhisay Degmooyin ay kamid ahayd Degmada Balidhidin oo katirsan Gobolka Barri.

IMG_7400 IMG_7408 IMG_7410 IMG_7414 IMG_7415 IMG_7416 IMG_7417 IMG_7419 IMG_7421 IMG_7426 IMG_7429 IMG_7430 IMG_7432 IMG_7436 IMG_7437 IMG_7444 IMG_7447 IMG_7449 IMG_7450 IMG_7452 IMG_7453 IMG_7454 IMG_7458 IMG_7464 IMG_7465 IMG_7466 IMG_7468 IMG_7474 IMG_7476 IMG_7480 IMG_7482 IMG_7483 IMG_7486 IMG_7491 IMG_7494 IMG_7507 IMG_7508 IMG_7510 IMG_7513 IMG_7514 IMG_7518 IMG_7519 IMG_7520 IMG_7521 IMG_7526 IMG_7528 IMG_7533 IMG_7534 IMG_7536 IMG_7537 IMG_7549 IMG_7550 IMG_7561

Xogta: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Dawlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ee magaalada Garoowe.