Guddoomiyaha Guurtida oo ka hadlay aqbalaadda Siilaanyo ee dhexdhexaa -dintooda

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo muddooyinkan dambe ku hawllanaa waanwaan uu  ka dhex waday Garabyada is haya ee Kulmiye, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu Garabka Madaxweyne Siilaanyo-na si rasmi ah u aqbaleen dib u dhigista Shirweynihii Maalinta Berri ah u ballansanaayeen, ka dib markii ay shalay Guurti ahaan ku baaqeen in la joojiyo shirarka iska soo horjeeda ee Garabyada KULMIYE.

salaeebaanGuddoomiye Saleebaan oo aan ka nasan ka midho dhalinta Hawshaan ayaa ugu dambayntii ku guulaystay inuu ku qanciyo Garabka Madaxweynaha inay dibb u dhigaan Shirka Berrito la filayey, isagoo dhinaca Muuse Biixi-na maalintii shalay ku qanciyey inay hawlahooda dib u  dhigaan,

“Waxanu idiinku yeedhnay inaanu idin gaadhsiino inaanu dhinacii madaxweynuhu hogaaminayey aanu is aragnay, Hawsha intii  qabyada naga ahaydna ay noo dhamaystirantay oo ay aqbaleen shirkii berri qabsoomi lahaana inay dib u dhigtaan, Arrintiina Guurtida inay u dhiibaan oo ogolaansho iyo Niyadsami noogu dhiibeen isla-markaana ay aqbaleen inaanu arrinta gudo galno oo dhexdhexaadino, qoladii shalayna waw mahadnaqaynaa, waxa aynu wada Wadnaana waa Danta Qaranka.” Ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddoomiyaha ayaa shacabka Somaliland u soo jeediyey inay danahooda ilaashadaan oo  aanay si dhib yar ugu dhex milmin muranka siyaasadda ee jira, waxana uu ugu baaqay inay Nabadda dhawraan.

Guddoomiyaha Guurtida iyo Xubnaha kale ee Dhexdhexaadinta ku Hawllan ayaa laga filayaa inay Maalmaha soo socda si  rasmi ah u gudo galaan sidii ay xididdada ugu siibi lahaayeen Muranka kala dhaantalay waaxyaha Xisbiga Kulmiye oo Haatan Hoggaamiya Somaliland.

aftahannews.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.