Madaxweyne Siilaanyo oo si adag uga hadlay khilaafka Xisbiga KULMIYE iyo Qaraxyada Hargeysa

“Waxaa ayaan-darro ah, in kuwii aan ammaanka u diray iyo kuwii damaca lahaa, ee dalkan inay xukumaan doonayey, laga soo sheego waxyaalo ammaanka kulidi ah, iyo inay isku dayaan in ay qarankan khalkhal geliyaan…”

“Arrinta Musharaxnimada madaxweynaha ee xisbiga kulmiye ma jirto balan noo dhaxaysay aniga iyo Muuse Biixi habayaraatee..”

“Anigaa masuuliyada 1aad iga saarantahay, umma dulqaadanayo mana aqbalayo cidna gorgortan kala gelimaayo ammaanka iyo xasiloonida dalka. Waxaan ku qaban doonaa gacan adag, waxaan la tiigsan doonaa sharciga, aniga iyo shacbiguba ma nihin kuwii Shaanida lagu baqo gelinlahaa.” Madaxweyne Axmed-Siilaanyo

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay khilaafka kala qaybiyey Xisbil-xaakimka KULMIYE iyo qaraxyo loo arkayo inay dawladdu cid gaar ah ku wanjalayso oo habeennadii Khamiista iyo Jimcaha ka dhacay magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo oo wejigiisa cadho laga dheehanayey, waxa uu sheegay inaanu ahayn ninkii lagu cabsi gelin lahaa Qaraxyo (Shaani) sida uu hadalka u dhigay, waxaanu sheegay inuu sharciga la tiigsan doono cid kasta oo ka dambaysay qaraxyadaas. Waxaanu sheegay inaanu jirin wax ballan ah oo u dhexeeyey isaga iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu Madaxweyne Siilaanyo hadalkiisa ku sheegey inuu yahay Musharrax mar labaad u taagan jagada Madaxweyne-nimada Somaliland oo uu Xisbiga KULMYE ka sharraxan-yahay. Waxa kale oo uu ka hadlay dhex-dhexaadinta Shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland hoggaamiyo ee isu-xil-saaray xallinta Khilaafka KULLMIYE u kala qaybiyey labada Garab ee ay Madaxxweyne Siilaayo iyo Guddoomiye Muuse Biixi kala hoggaaminayaan.  

Halkan hoose ka daawo hadalka Madaxweyne Siilaanyo:

Waa Markii ugu horreysay ee Madaxweyne Siilaanyo ka hadlo khilaafka awood-kala-jiidashada iyo hankga Kursiga ee ka dhex-taagan Xisbiga KULMIYE, khilaafkaas oo dibedda u soo baxay markii laba toddobaad ka hor Shir-guddoonka Shirweynihii Saddexaad ee KULMIYE soo saareen Liiska Xubnaha Golaha dhexe iyo Guddiga Fulinta ee KULMIYE.

Taasoo ay Hoggaanka KULMIYE ku gacan-saydheen, isla markaana sharci-darro ku tilmaameen, halka Garabka Madaxweynuhu hoggaamiyaa ku adkaysteen inay sharci yihiin Liisaskaasi, taasoo keentay in Garabka Muuse Biixi hoggaamiyaana ay soo saaraan Liisas kale oo Guddiga Fulinta iyo Golaha Dhexe ee KULMIYE ah, iyadoo maalinba maalinta ka dambaysa toddobaadkii la soo dhaafay uu khilaafka dhinacyadi sii xoogaysanayey.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.