Qarax ka dhacay Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawac sababay

Muqdisho(Aftahannews):- Allaah ha u naxariistee ugu yaraan Laba qof oo midkood shacab yahay ka kalena Askari dawladda ka tirsan ahaa, ayaa ku geeriyooday qarax xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Qaraxaas ayaa loo adeegsaday Baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu weeraray Huteel City Palace oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho. Goob-joogeyaal ayaa Saxaafadda u xaqiijiyay in uu qaraxa ka dhacay agagaarka Huteelka, gaar ahaan waddada lagu Seylaani.

Huteel City Palace ayaa  deggan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Xildhibaanno, Qurbo-joog iyo Odayaal-dhaqameed. Qaraxan oo khasaare geystey illaa hadda inta la hubo waxaa ku dhintey Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo qof shacab ah oo ku dhawaa goobta uu Gaadhigu ku qarxay sida la sheegay.

Markii uu qaraxan dhacayay ayaa waxaa ku jiray hoteelka City Palace xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo uu halkaas shir ugu soo dhammaaday, mana jiraan wax khasaare ah oo gaaray.

Dhinaca kale,afhayeenka booliiska Soomaaliya oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu hal askari ku dhintay, kaddib markii uu dhaawac culus soo gaaray ayna jiraan laba qof oo kale oo shacab ah oo ay dhaawacyo culus kasoo gaareen.

Ma jirto cid wali sheegatey mas’uuliyada qaraxan an khasaaraha badan geysan,balse goobta uu ku qarxay gaarigu waxaa ku dhow xarunta Nabad-sugidda Qaranka.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.