Muqdisho: Carruur Wasaarada Haweenku Waalidkood dib ugu celisay

Muqdisho(Aftahannews):- Wasaaradda  Horumarinta  Hawenka iyo Xuquuqda Aadanaha  ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta  dib ugu celisay Waalidiintii dhalay 17 carruur oo laga war helay in ay si sharci darro ah ay  ugu tahriibinayeen  dalka dibadiisa.

Qaar ka mid ah  Waalidiinta  carruurta dhalay ayaa  sheegay in carruurtooda ay tahriibayaan ku kaliftay daruufo xagga nolosha ah, iyagoo xusay in haatan wixii ka dambeeya aysan ogolaan doonin in carruurtooda la tahriibiyo.

Qaar ka mid ah Waalidiinta carruurta ayaa yiri “Carruurtaan ma ahayn kuwa la soo xaday ee annaga waan ku ogeyn in la tahriibiyo, waayo gabar walaashen ah ayaa Sacuudiga Joogta, teeda kale dad walaalahood ah ayaan u dhiibnay, si Sacuudiga loo geeyo oo ay u soo daboolaan daruufaha xagga nolosha ah ee na haysta.

Wasiirka  Wasaaradda  Horumarinta  Haweenka  iyo Xuquuqda Aadanaha   Marwo  Khadiijo Maxamed Diiriye  ayaa ugu digtay  Waalidiinta dhalay carruurtaasi tahriibinta carruurtooda, islamarkaana aysan ku sii deynin meelaha khatarta ah.

“Carruurtan aan wareejinayno waxaa markii hore naloogu sheegay in la iibsanayo oo dalka dibadiisa loo dhoofinayo, markii aan arrimahaasi baaritaanno sameynay waxaa noo cadaatay in dhoofinta carruurtan ay Waalidkood ka warqabeen, 18 jir ayaa ugu weyn 4-jir ayaana ugu yar, carruurtu waxa ay isugu jiraan kuwa Dalka Boqortooyada Sacuudiga dhawaan laga soo tarxiilay iyo kuwa hadda ku cusub oo la rabay in halkaasi la geeyo, maadaama Waalidiintooda qaarkood ay Sacuudiga jiraan, hadda waxa ay noo balan qaadeen inaysan markale arrimaha tahriibinta aysan sameyn doonin” ayay tiri Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Carruurtan ayaa dhawaan laga soo qabtay  qeybo ka mid ah  Gobolada Dhexe,  iyadoo maamulka Ximin iyo Xeeb ay ugu soo gacan galisay  dowladda Federalka Soomaaliya  sababa la xiriira  tahriibinta  sharci darrada  ah, waxaana ay tiradoodu gaaraysaa 17 oo 16 ka mid ah ay gabdho yihiin halka ruuxa 17-aad uu wiilyahay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannew.com

Muqdisho/Soomaaliya.