Madaxweyne Siilaanyo oo diiday dhex-dhexaadinta, Muuse Biixi oo aqbalay & Guurtida oo ka hadlay

“Dhinac wuu na aqbalay, dhinicii kalena kamaannaan bir-dhigin oo hadalki wuu noo socdaa, waanu na aqbali…..Waar Ciddii maanta dab hurin lahaydeey ha hurin, maanta maaha maalinteedii. Qaran kuma dhismo wax baan muquuninayaa..” Guddoomiyaha Guurtida

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa diiday inuu aqbalo Ergada dhex-dhexaadinta Golaha Guurtida ee isu-xilsaaray xallinta Khilaafka KULMIYE u kala qaybiyey labada Garab ee ay kala hoggaaminayaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, halka Garabka Muuse aqbalay Ergadaas.

MDsiilaanyo1

Madaxweynaha Somaliland ayaa ka gacan-taagtay aqbalaadda in Guddiga Guurtida ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan, sida uu Guddoomiyaha Guurtidu xaqiijiyey, halka Garabka Muuse hoggaaminayaa aqbalay dhex-dhexaadinta Guddigaas.

Hase-yeeshee, Guddoomiiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Shir Jaraa’id oo ay Shalay isaga iyo xubno kale ku qabteen xarunta Golahaas, waxa uu ku sheegay in aanay weli ka rejo-dhigin dhinaca Madaxweynaha oo ay wadaan dedaallo iyo kulammo ay doonayaan in dhinaca Madaxweynuhu ku aqbalo dhex-dhexaadinta ay Guurti ahaan wadaan.

Waxaanu Guddoomiyaha Guurtidu labada Garab ee Xisbiga KULMIYE, gaar ahaan hoggaamiyeyaasha labadaas Garab ee kala ah Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Xisbil-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi jooojiyaan Shirarka Golaha dhexe ee dhinaca Muuse Biixi u muddeeyey 31-ka May oo Sabtida maanta ku beegan, halka Garabka Madaxweynuhu u muddeeyey 1-da Bisha June oo Axadda Berri ku beegan.

“Dhinac wuu na aqbalay, dhinicii kalena kamaannaan bir-dhigin oo hadalki wuu noo socdaa, waanu na aqbali…..Waar Ciddii maanta dab hurin lahaydeey ha hurin, maanta maaha maalinteedii. Qaran kuma dhismo wax baan muquuninayaa iyo wax baan kala jiidanaynaa, Qaran waxa uu ku dhismaa in dhan wax loo wada eryo..” sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.

Halkan hoose ka Daawo Muuqaalka iyo hadalka Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo ka hadlaya arrimahaas, baaqna u kala diraya labada dhinac.

Baaqa Guddoomiyaha Guurtida ee ah in la joojiyo Shirarka Golaha dhexe ee labada Garab ee KULMIYE hore u muddeeyeen inay qabanayaan, waxa ka jawaabay Garabka Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi. Waxaana Garabkaas u hadlay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo War-Saxaafadeed uu caawa soo saaray ku sheegay in dhinaca Hoggaanka KULMIYE uu aqbalay baaqaas Guurtida, isla markaana ay hakiyeen qabashada Shirka Golaha dhexe oo ay muddeeyeen 31-ka bishan May oo ku beegan Sabtida Maanta.

Hase-yeeshee, Garabka uu Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo hoggaamiyo, ayaan illaa hadda shaacin inay aqbaleen iyo inay diideen Baaqa Guurtida ee ah in la joojiyo Shirarka Golaha dhexe, isaga oo Garabka Madaxweynuhu shirkaas u muddeeyey qabsoomiddiisa 1-da June oo ku beegan Axadda Berri. Isaga oo Garabka Madaxweynuhu aan illaa hadda aqbalin Ergada Guurtida ee isu xil-saaray dhex-dhexaadinta Khilaafka KULMIYE. Waxaana la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo ku adkaysanayo inaan la dhex-dhexaadin oo ay Sharciga ku kala baxaan dhinacyada KULMIYE

Lama garanayo in Madaxweyne Siilaanyo iyo Garabka Xukuumadda KULMIYE ee uu hoggaamiyaa ku adkaysan doonaan diidmadooda ah inaan la dhex-dhexaadin iyo inay ka soo dabci doonaan. Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Guurtidu sheegay ayaa hadalkiisa ku sheegay inkasta oo aanay weli Madaxweynaha iyo Garabkiisu aqbalin dhex-dhexaadintooda, haddana aanay ka bir-dhigin oo uu rejaynayo inuu aqbali doono.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.