Dhegayso toddobaa -dlaha Xiisaha badan ee ay soo saarto Radio Hirad

Hargeysa(Aftahannews):- Akhristayaal iyo dhegaystayaal waxaannu halka idiiku soo gudbinaynaa Barnaamijka toddobaadlaha ah ee ay soo saarto Jimce kasta Idaacadda Radio Hirad oo xarunteedu ku taallo magaalada Hargeysa.

Barnaamijka Jimcaha toddobaadkan ee 29, May, 2014, ay Radio Hirad soo saartay ku jira qodobbo xiiso badan oo ay ka mid yihin waraysiyo lagu falan-qaynayo waxa uu salka ku hayo khilaafya Xisbiga KULMIYE u qaybiyey labada Garab ee ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi iyo Guddoomiyihii hore ee KULMIYE oo ah Madaxweynaha hadda Somaliland haya Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaana arrimahaas laga waraystay Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) oo KULMIYE ka tirsan iyo xubno kale.

Qodobbadaas iyo qodobbo kale oo xiiso badanba waxaad ka dhegaysan kartaan Barnaamijka Radio Hirad soo saarto oo aannu idiinku soo gudbinaynaa iyo qodobbo kale oo xiiso badan, oo aad ka dhegaysan kartaan halkan hoose ee AFTAHAN RADIO. Si aad u dhegaysato halkan hoose guji.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.