Maxaad ka og-tahay nuxurka Heshiis Beelaha Md. Siilaanyo iyo Muuse Biixi dhex-maray xilligii doorashada?

Falanqayn Xiiso badan oo laga diyaariyey halka uu Salka ku hayo Khilaafka Xisbiga KULMIYE.  “Waxa jiray Heshiis u dhexeeyey Beelaha Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi xilligii ololaha doorashadii Madaxtooyada, heshiiskaasi wuxu sheegayaa…” Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan

Hargeysa(Aftahannews):- Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa sheegay inuu jiray heshiis dhex-maray labada Beelood ee ay ka soo kala jeedaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi xilligii lagu jiray ololaha doorashadii Madaxtooyada ee Madaxweyne Siilaanyo xilkaas loogu doortay.

MUUSE BIIXI OO FARTA KU FIIQAYA MADAXWEYNE SIILAANYO

Falanqayn Xiiso badan oo ku saabsan heshiiskaas iyo waxa uu salka ku hayo khilaafka xooggan ee wakhtigan u dhexeeya labada Garab ee Xisbiga KULMIYE u kala jabay oo uu Garab ka mid ah hoggaamiyo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Garab uu hoggaamiyo Guddoomiye Muuse Biixi, kaasoo ay Idaacadda Radio Hirad dhinacyo kala duwan waraysiyo kala yeelatay. Halkan hoose ee AFTAHAN RADIO ka dhegayso waraysigaas.

Guji halkan Madoow ee hoose oo dhegayso:

Inkasta oo uu Suldaan Xasan ka gaabsaday waxa uu ahaa ama qodobbada ku jiray heshiiskaas qeexitaankooda, haddana waxay tibaaxayaan warar uu Aftahannews ka helay Odayaal ka tirsan labada Beelood in heshiiskaasi dhigayey in wakhtigaas lagu jiray olola doorashadii Madaxtooyada oo Somaliland ka qabsoontay 26 June 2010 wada-jir loo soo saaro Madaxweyne Siilaanyo oo markaa ka sharraxnaa Xisbiga KULMIYE, shan sano ka dib doorashada Madaxtinnimada ee ku soo xigtana la soo saaro Muuse Biixi Cabdi oo hadda ah Guddoomiyaha KULMIYE.

Balse Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madoow oo ka soo jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo oo toddobaadkii hore warbaahinta qaarkeed la hadlay, ayaa sheegay inkasta oo aanu goob-joog ka ahayn heshiiskaas labada Beelood dhex-maray, haddana sida loo sheegay in heshiiskaasi dhigayay in Siilaanyo hadduu ku guulaysto doorashada 2010 la galeyey marka uu shanta sano ee hore dhammaysto in shanta dambana uu isagu u tartamo wixii ka dambeeya tobankaa sanana uu Muuse Biixi tartamo. Hase-ahaatee, dadka xog-ogaalka u ahaa heshiiskaas waxay sheegayaan inaanu sidaas ahayn ee la isku ogaa in doorkaana Siilaayo la soo saaro, doorashada taa ku soo xigi doontana Muuse Biixi.

Hase-yeeshee, weli ma jiraan warar Beelaha ka madax-bannaan oo qeexaya qodobbada heshiiskaas dhex-maray labada Beelood ee Habar-awal iyo Habar-jeclo oo ay ka soo kala jeedaan Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.