Dawladda Itoobiya iyo Nabad-sugidda Soomaaliya oo ka digay Weerarro Al-Shabaab ka fuliso Muqdisho

Muqdisho(Aftahannews):- Safaaradda dawladda Itoobiya ku leedahay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, ayaa ka digtay weerarro argagixiso oo ay ku soo qaaddo Malleeshiyada Al-Shabaab ee dagaalka kula jirto dawladda Soomaaliya iyo Ciidammada Midawga Afrika oo kuwa Itoobiya-na ka mid yihiin.

Al-shabaab-131dddd

Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho Jamaaluddiin Mustafa Cumar, oo halkaa Warbaahinta ugu warramay maanta, ayaa sheegay inay jiraan dingiino ku saabsan in Al-shabaab ay waddo qorshe ay ku doonayso inay Safaaradda ku weerarto. Waxaanu intaas ku dareen inay ka gaashaamatey weerarro ka yimaadda Kooxda Al-shabaab, isla markaana ay ka diyaar garoobeen oo ay iska difaaci doonaan.

Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho Jamaaluddiin Mustafa Cumar, oo ka hadlayaa waxa uu yiri; “Waxaan ka warhelney qorshe ay Al-shabaab nugu soo weerarayaan, balse kama rareyno Safaaradda goobta ay ku taallo, waxaan idin sheegeynaa inaan iska difaaci doonno weerar kasta oo ka yimaadda Al-Shabaab.”

Safaaradda Itoobiya ee Soomaailya waxaa ay ku taalla agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya, halkaasoo ay ilaalo xooggan ka hayaan Ciidammada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo dawladda Soomaaliya ka caawiyo dagaallada ay kula jirto Kooxda Al-Shabaab oo ka tirsan Shabakadda Al-Qaacida.

Hay’adda nabad-sugida Qaranka Soomaaliya, ayaa geesteeda sheegtay weerarro ay Al-shabaab ka geysan doonan Muqdisho, hase-yeeshee, waxay Nabad-sugiddu sheegtay in laga diyaar-garoobay, isla markaana loo diyaariyey Ciidammo gaar ah oo ka hortaga qorsha Al-shabaab ku doonayso inay weerarro qorshaysan ka fuliso gudaha Caasimadda Muqdisho.

Digniintan ayaa ku soo beegmaysa toddobaad ka dib markii ay Koox Al-Shabaab ka tirsani weerar ka fuliyeen gudaha Aqalka Baarlamaanka Soomaaliya ee Caasimadda Muqdisho, kaasoo ay ku dhaawaceen saddex Xildhibaan, kuna laayeen ilaaladii Baarlamaanka iyo dad shacab ahba. Waxaanay weerarkaas ka hor Al-Shabaab weerar ku qaadeen Madaxtooyada Soomaaliya oo ay Saraakiil dawladda ka tirsanaa ku dileen.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.