Kooxda Al-Shabaab oo Gaadiid Qaad sida Afduubay qaarna Gubay

Kismaayo(Aftahannews):- Malleeshiyo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, ayaa saddex Gaadhi oo Jaad siday midka mid ah gubay, laba kalena qafaashay, ka dib markii ay maanta jid-gooyo u galeen Baabuurtaas oo marayey deegaan ku dhaw magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya, iyada oo aan la garanayn halkay la aadeen kuwa ay afduubeen.

Gaadhiga AL-SHABAAB GUBTAY

Kooxda Al-Shabaab ka tirsan Gaadiidka ay jid-gooyada u galeen maanta, ayaa noocooda lagu sheegay nooca BL-ka loo yaqaan oo Jaad ka keenay Jaziiradda Fuuma oo wax ka yar 10km dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Gaadiidkan seddexda ah ee ay dhexda u galeen Al-shabaab, ayaa waxa uu Jaad kasoo qaaday Jaziiradda Fuuma, Jaadkaa oo ay doomo ka keeneen dalka Kenya, waxaana loo soo waday dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose. Gaadiidka la afduubtay ayaa waxa la socday rag iyo haween tiro badan oo ka ganacsada Jaadka, kuwaasoo ay Al-shabaab afduubteen, wallow ay markii danbe soo daayeen.

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Maamul-goboleedka Jubbaland oo ay ku sugan yihiin Ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM ee dawladda Kenya, ayaa sheegaya magaaladaas galabta ka baxeen Ciidammo isugu jira kuwa Maamulka Jubba iyo kuwa Kenya, si ay uga daba-tagaan labada Gaadhi ee ay Al-Shabaab afduubtay, halka kii saddexaad ay goobtii ay labadan ka afduubeen ku gubeen, ka dib markii uu isku dayey inuu ka baxsado.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.