Dhakhtar Soomaaliyeed oo 2014-ka loo sharraxay Abaal-marinta Nobel Peace Prize

Palermo(Aftahannews):- Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah Dhakhtar Soomaali ah, ayaa sannadkan ku jira dadka loosoo sharraxay Abaal-marinta Caalamiga ah ee Nobel-ka, gaar ahaan qaybta lagu bixiyo nabadda ee Nobel Peace Prize.

Dr. Dufle waxaa u doortay inuu kamid noqdo murashaxiinta Nobel-ka ee sannadkan, Machadka Giuseppe Pitrè International ee ku yaalla magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga.

Professor Giuseppe Chambini oo ah Maamulaha Giuseppe Pitrè International Institute, ayaa sheegay in machadkooda ay sharaf weyn u tahay inuu metelo Dr. Cismaan Maxamuud Dufle.

Dhanka kale, Dr. Dufle oo isna waraysi gaar ah siiyey laanta afka-Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa ka warbixiyey dareenkiisa iyo sababta keentay in uu kamid noqdo dadka sanadkan u sharraxan Abaalmarinta Nobel.

Wuxuuna sheegay in sababtu ay tahay dadaalka uu ku bixiyey sidii uu dadkiisa wax ugu qaban lahaa muddadii uu dalku burburka ku jirey, isagoo taas ka hadlayey wuxuu yiri: “aad bay u adkayd in aniga iyo saaxiibaday aan dalka muddadii burburka kusii negaano dadkeenana u shaqeyno…” isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas raaciyey: “anigu dadkeyga un baan u shaqeynayey, ilama ahayn in indhaha caalamku ay dhankeyga usoo jeedeen”

Xilligii ay magaalada Muqdisho qab-qableyaasha dagaalku ka talinayeen ee ay u qaybsaneyd labada dhan ee uu kala bari jirey wixii la oran jirey xilligaas “khadka cagaaran”, Cismaan Maxamuud wuxuu madax u ahaa urur ay ku bahoobeen dhakhaatiir labada dhan kasoo kala jeeday, kuwaas oo isu xil saaray in adeegyada caafimaadka ay dadka ka haqab tiraan.

Haddii Dr. Dufle uu ku guuleysto Abaalmarinta Caalamiga ah ee Nobel qaybteeda nabadda, wuxuu noqonayaa qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee abaalmarintaas hela, tan iyo markii bixinteeda la bilaabay sanadkii 1901.

Abaalmarinta Nobel oo la siiyo saynisyahannada; iyo suugaanyahanka hal-abuurka fiican leh, dadka nabadda u ololeeya iyo kuwa wax ka qora culuumta bulshada, waxaa horay ugu guuleystey 22qof oo kasoo jeeda Qaaradda Afrika, dadkaas oo badankoodu ku qaatay dadaalka ay muujiyeen iyo kaalinta ay ka qaateen nabadeynta dalalka ay kasoo jeedaan.

Xigasho Hiiraan.com.