Garabka Muuse Biixi oo aqbalay Baaqa Guurtida, kana hadlay eedayn Waran-cadde u jeediyey iyo xadhigga Cllaahi Abbokor

Hargeysa(Aftahannews):- Garabka uu Muuse Biixi hoggaamiyo ee Xisbiga KULMIYE, ayaa shaaca ka qaaday inay aqbaleen baaq ay Guddiga Golaha Guurtida ee dhexdhexaadinta kaga jira Khilaafka KULMIYE maanta soo saareen oo ay ku dalbadeen in la joojiyo Shirarka iska soo horjeeda ee ay dhinacyada Xisbigaas ee ay kala hoggaamiyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi la hakiyo ama la joojiyo.

XILDHIBAAN SICIID CILMI ROOBLE 2

War-Saxaafadeed caawa ka soo baxay Garabka Hoggaanka ee Xisbiga KULMIYE oo uu ku saxeexnaa Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Garabkaas ka tirsani ayaa sidoo kale lagu cambaareeyey Xadhigga argagaxa leh ee Xalay gurigiisa lagagala baxay Wasiir Ku-xigeenkii Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Abbokor Cismaan. Sidoo kale waxa lagaga jawaabay eedayn uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde maanta u jeediyey Garabka hoggaanka ee Xisbiga KULMIYE oo uu sheegay inay ka dambeeyeen Qaraxyo wanjalaad marka horeba lagu tilmaamay oo xalay iyo habeen hore dhawaaqooda laga maqlayey magaalada Hargeysa.

Waxa uu War-Saxaafadeedkaas uu ku saxeexnaa Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com u dhignaa sidan:- “REF: XK/XGX/004121/2014                                                                           Date: 30/05/2014. Ujeeddo: Jawaaab-celin baaqii Guddiga Golaha Guurtida ee dhexdhexaadinta khilaafka Xisbiga KULMIYE.

Anagoo ka jawaabayna baaqii Guddiga dhex-dhexaadinta ee Golaha Guurtida, waxaannu halkan ku caddaynaynaa inaannu aqbalnay baaqaas,  isla markaana aannu hakinnay shirkii Golaha dhexe ee qabsoomayey 31/5/2014 maalinta Sabtida.

Waxaannu ka xunnahay dhacdadii iyo qaabkii xalayto saqdii dhexe  loo weeraray Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga  Cabdillaahi Abbokor.

Waxa kale oo aannu ka xunnahay hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha ee qaraxyadii dhacay ku tilmaamay in KULMIYE ka danbeeyey, waxaannu Marwalba dhiirri-gelinaynaa amniga iyo xasilloonida dalka, waxaannu leenahay cid alla ciddii ka danbaysayna way iska soo bixi doontaa.

Waxaannu shacbiga Somaliland ugu baaqaynaa inay ilaashadaan  nabaddooda, wada-jirkooda iyo xasilloonidooda. ALLAH MAHAD LEH.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.