Wasiir Ku-xigeenkii Amniga oo si argagax leh Xabsiga loogu taxaabay Markii Xirsi u hanjabay shalay

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Abbokor Cismaan, ayaa xalay saqdii dhexe Xabsiga loo taxaabay, ka dib makrii uu shalay galab dalka soo gaadhay Wasiirka awoodda badan ee Madaxtooyadu Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiir-Ku-xigeenka-amniga

Wasiirka Madaxtooyada oo shalay markii uu gelinkii dambe garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ka soo degay Weriyeyaashu wax ka weydiiyeen eedayn uu Wasiir ku-xigeenkii hore ee amnigu u jeediyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda Siilaanyo oo uu sheegay inay ku jiraan Wasiirro ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab iyo Ururra-diimeedyo xag-jir ah oo wada kacdoonka siyaasadeed ee ka dhex taagan Xukuumadda iyo Hoggaanka KULMIYE waxa uu sheegay inaanay jirin Wasiirro Al-Shabaab ka tirsan oo Xukuumadda Siilaanyo ku jira, ciddii eedayntaas jeedisayna ay iyadu caddayn doonto xubnahaas.

Haddaba, markii uu Wasiir Xirsi sheegay inay caddayn doonto ciddii eedayntaas jeedisay, saacado ka dib waxay Ciidanka la-dagaallanka Argagixisada u gaarka ah ee RRU-da loo yaqaanno ayaa weeraray Guriga uu Cabdiillaahi Abbakor iyo qoyskiisu ka degganaayeen magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaafadda Jig-jiga-yar, kuwaasoo si aragagax leh u soo qabtay, isla markaana garaacay isaga, Carruurtiisa qaarkood iyo Xaaskiisa, isla markaana Xabsiga dhigay Cabdillaahi Abbakor oo ay garaaceen.

Taliyaha Ciidammada Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo mid waliba gaarkiisa Warbaahinta ula hadlay maanta, ayaa sheegay in Cabdillaahi Abbokor uu diiday yeedhmo Taliska Boolisku ugu yeedhay, ka dib markii uu ku dooday in Waaran yeedhmo ah loo keeno sida uu sharcigu dhigayo, taasina ay keentay inay xalay gurigiisa ugu galaan, iyaga oo ku eedeeyey inuu is-difaac kala hor-yimi Ciidammada RRU-da iyo Booliska ee xalay gurigiisa ku weeraray.

Si kastaba ha ahaatee, Cabdillaahi Abbokor Cismaan oo la saftay Garabka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee ka soo horjeeda Garabka Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo ee KULMIYE, ayaa isaga oo sida uu sheegay xilkiisa ku waayey qaabka uu u soo xulay Ergadii Shirweynaha KULMIYE bishii hore kaga qaybgalaysay Hargeysa oo Garabka Madaxtooyadu diiddanaa. Waxaana khilaafkaa ka sokow loo arkaa in Cabdillaahi Abbokor lagu xidhay amar ka soo baxay Wasiirka awoodda badan ee Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.