Ciidamada RRU Iyo Booliska Oo Saqdii Dhexe ee Caawa Weerar ku Qaaday Guriga Wasiir ku Xigeenkii Hore Ee Amniga S/land

Hargaisa(Aftahan News) Ciidmada sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano RRU Ayaa Goor dhawayd weerar ku qaaday guriga uu deggen yahay Wasiir ku xiggeenkii hore ee Amniga Somaliland Cabdillaahi Abokor Yoonis, halkaas oo la dul dhigay Ciidammo Isugu Jira Bilays iyo RRU kuwaas oo rasaas oodda kaga qaaday Ag-agaarka guriga wasiirka oo ku yaalla Hotel-ka Maansoor ee Magaalada Hargeysa .

rru
Ciidammada oo rasaas iska horeysiiyey ayaa daqiiqado ka hor weerar ku qaaday guriga Wasiirka,  weerarkaas oo rasaasta dhacaysaa ay hurdada ka toosisay isla markaa dibada u soo wada saartay xaafadaha ka ag dhow guriga wasiir kuxigeenka.

Ma jiro wax waaran ah oo maanta ilaa caawa loo keenay Cabdillaahi Abokor, hase yeeshee weerarkan ayaa u muuqda mid xukuumaddu kaga war celinayso warar ay ka damqatay oo Cabdillaahi Abokor Maalmihii u dembeeyey Warbaahinta siiyey kuwaas oo uu ku durayay Kooxo uu ku tilmaamay qaswadayaal wadaado ah oo xukuumadda ku dhex jira.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in Wasiir ku xigeenka oo xubno ka mid ah jaarkiisu ugu baaqeen in uu raaco ciidanka uu diiday isla markaana uu sheegay in aanu is dhiibayn isaga oo ku dooday in aanu garanayn ciddan soo weerartay haddii ay xukuumada tahayna uu subaxa ka war heli doono.

Hase yeeshee Ciidammada ayaa Xoog ku galay guriga isla markaana soo qabtay Wasiir ku xigeenka iyo qaar ka mid ah Ilaalladiisii, , hal qof oo ka mid ilaalada wasiir ku xigeenka ayaa ku dhawacmay rasaastii ay fureen ciidmada RRU

Aftahan News

Hargaisa/Somaliland