Booliska Hargeysa oo Xabsiga u taxaabay dad taageeray Muuse Biixi

Hargeysa(Aftahannews):- Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa Saldhigyada Booliska ee magaalada Hargeysa u taxaabay dad taageero u muujiyey Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay Madaxtooyadu si weyn uga soo horjeeddo Musharraxnimadiisa Madaxweyne-nimo oo uu dhawaan shaaciyey, isla markaana khilaaf ka dhashay laba Garab u qaybiyey KULMIYE oo midka mid ah uu isagu hoggaaminayo ka labaadna Madaxweynuhu.

taageerayaasha MUUSE BIIXI ee la xidhxidhay DSC03729-300x225
DSC03728

Mawaaddiniintaas Xabsiga loo taxaabay, ayaa Taageero u muujinayey Guddoomiyaha Xisbigaasi, ayaa Boolisku waxay ka qabqabteen goobo kala duwan oo ka tirsan Caasimadda Hargeysa, kuwaasoo qaarkood Istiikarro ama Waraaqo ay ku qoran yaalleen sawirro iyo erayo ay ku taageerayaan Muuse Biixi ku dhejiyeen Baabuurtooda ay sida shakhsiga ah u wataan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo la xidhiidha sababta dadkan loo xidh-xidhayo. Hase-yeeshee, sida ay dad goob-joogayaal ahi u sheegeen Aftahannews waxaa lagu qabtay Istiikar ay ku soo dhejiyeen dadka qaarkood Gawaadhida ay wateen.

Ninka la xidhay ayaa watay Gaadhi Inadho cadde ah oo lagu Istiikar ay ku qorantahay “waannu Taageersannahay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi” Weedhahaas ayaa waraaqaha ay dadka la xidh-xidhay Baabuurtooda ku xidheen qaarkood ku qornaa.

DSC03731

DSC03730

Ciidanka ammaanka ee magaalada Berbera, ayaa iyaguna Xabsiga u taxaabay laba Xildhibaan oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Deegaanka Degmada Berbera iyo Guddoomiyihii KULMIYE ee gobolka Saaxil, kuwaasoo sidoo kale taageero u muujiyey Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi. Waxaanu Badhasaabka gobolka Saaxil ku eedeeyey inay Masuuliyiintaasi abaabuleen muddaharaad lagu khalkhal-gelinayo nabadgelyada sida uu ku dooday mar uu Warbaahinta qaarkeed la hadlayey Badhasaabka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Garabka Guddoomiyaha ee Xisbigaas, ayaa si kulul u cambaareeyey tallaabooyinka lagu xidh-xidhay Masuuliyiinta iyo Shacabka taageerada u muujiyey Muuse Biixi, iyaga oo sheegay inay Xukuumaddu ujeeddo gaar ah ka leedahay, isla markaana ay tahay sharci-darro iyo cabbudhin lagula kacayo madax-bannaanida iyo xorriyadda hadalka iyo taageerada ay Muwaaddiniintu xaqa u leeyihiin inay cidday doonaan si xor ah u taageeraan oo ay xuseen in Dastuurka dalka iyo ka KULMIYE-ba u dammaanad-qaadayaan Bulshada.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.