Taliska Booliska oo ka warramay Qarax ka dhacay Hargeysa, dad loo qabtay iyo waxa uu ahaa

Hargeysa(Aftahannews):- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa daboolka ka qaaday in Ciidanka Boolisku ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo wax u dhimaysa nabad-gelyadda Qaranka iyo ta Bulshadda-ba.

Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo maanta Warbaahinta ugu warramay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxa uu sharraxay nooca qaraxa xalay ka dhacay Hargeysa oo dayaanka iyo gariirka uu sameeyey laga maqlayey qaybo badan oo Hargeysa ah, dad badanina ku tooseen gariirkiisa.

Taliyaha Booliska oo ka hadlayay bam xalay lagu tuuray meel diriinayj ah oo ku taalla agagaarka Hindiya Line-ka Hargeysa waxa uu yidhi; “Waxaan halkan kaga hadlayaa farriin yar oo kooban xalay abbaarro 12 iyo waxoogaa, ayaa meel diriinayj ah oo Hindiya line-ka ah, ayaa bahal la yidhaahdo shaani laga qarxiyay wax dhibaato ah iyo wax khasaare ah oo ay geysatay midna ma jirto. Arrintaasna dad baanu u soo xidhnay baadhistiina waa lagu jiraa wax kale oo dhibaato ahina ma jiraan.”

Taliyuhu waxa uu sheegay inay gacan bir ah ku qabanayaan cid kasta oo nabad-gelyadda dalka wax u dhimaysa “Waxa kale oo aan halkan ka caddaynayaa cid kasta  oo nabad-gelyadda qaranka iyo ta bulshadda Somaliland wax u dhimaysa Ciidanka Boolisku waxay ku qabanayaan gacan bir ah,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

 “Intaas markaan ka gudbo waxaan halkan shacbiga reer Somaliland uga soo jeedinayaa sidii sharafta lahayd ee aanu uga barranay inay ciidanka Booliska gacan siiyaan oo cid kasta oo ay ka dareen qaataan inay nabad-gelyadda khal-khal gelinaysa iyo cidii dhibaato wada Booliska u soo sheegeen. Ciidanka Booliskuna waxay diyaar u yihiin gudashada waajibkooda qaran iyo u addeegida bulshadda Somaliland,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Taliyaha waxa shirkaasi jaraa’id ku wehelinayayTaliye Ku xigeenkiisa koowaad Sareeye Guuto C/Raxmaan Liibaan Axmed (Fooxle). Halkan hoose ka dhegayso Codka warka Taliyaha Booliska Somaliland kaga hadlay qaraxa xalay abbaaro 12:00-kii habeennimo iyo daqiiqado ka dhacay magaalada Hargeysa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.