Daawo Muddaharaad Dhaawac sababay oo ka dhacay magaalada Berbera

Berbera(Aftahannews):- Ugu yaraan Hal qof ayaa ku dhawaacmay, qaar kalena Xabsiga ayaa loo taxaabay, ka dib markii ay dadweyne taageersan Garabka Xisbiga KULMIYE ee uu hoggaamiyo Guddoomiyie Muuse Biixi iyo musharraxnimada madaxweynennimo ee uu dhawaan shaaciyey inuu isu taagayo, kuwaasoo ay Ciidanka ammaanka ee magaalada Berbera rasaas nool u adeegsadeen kala kaxayntooda.

Muddaharaadka ka dhacay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo ay isugu soo baxeen dad ka tirsan taageerayaasha Xisbiga talada haya ee KULMIYE,, isla markaana ay taageero ugu muujinayeen Musharraxnimada Madaxweyne-nimo ee Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi dhawaan shaaciyey, isla markaan aku diiddanaayeen khilaafka labada garab u kala jebiyey KULMIYE.

Halkan hoose ka daawo muuqaal laga soo duubay muddaharaadkaas oo ay Haweenay ku dhaawacantay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.