IGAD oo ka Hadlay Maxaabiista Dagaalkii Sool iyo Wadahadal dhexmara Somaliland iyo SSC-Khaatumo

Djibouti (aftahannews):- Urur-goboleedka IGAD, ayaa ka hadlay Maxaabiista lagu kala qabsaday dagaalladii gobolka Sool ka dhacay gobolka Sool ee ay kala haystaan Somaliland iyo Maamulka la baxay SSC-Khaatumo ee lagaga dhawaaqay deegaannada gobolkaas qaarkood.

IGAD waxa uu sheegay inay ka shaqaynayaan sidii loo siidayn lahaa Maxaabiistaas, lana soconayaan badqabkooda inta ay xidhan yihiin.

Xoghaye ku-xigeenka Urur-goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Waare, ayaa magaalada Jabuuti ee xarunta IGAD kula kulmay Waftiga Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo maalintii saddexaad shalay ku suganaa Jabuuti oo uu markii ugu horreysay booqday tan iyo intii lagu dhawaaqay 2023kii oo dagaalka u dhexeeyey Jabhadaha Sool ee SSC-KHAATUMO la baxay iyo Somaliland.

Maxamed Cabdi Waare oo laanta Af-Soamaaliga ee BBC-DA la hadlay, ayaa sheegay in xubnaha Khaatumo ay kala hadleen arimo ay ka mid yihiin khilaafka SSC-Khaatumo iyo Somaliland oo aan aqoonsanayn maamulkaas la baxay SSC-Khaatumo.

‘’Waxa kale oo aan ka wadahadalnay khilaafka Somaliland iyo Khaatumo, gaar ahaan maxaabiista dagaalka, daryeelkooda iyo badqabkooda, iyo kaalinta IGAD ka ciyaari karto sii deyntooda, isla wadahadalkaas waxaan la yeelan doonaa Somaliland marka ay suurtagal noqoto,’’ ayuu yiri xoghaye kuxigeenka guddiga fulinta ee IGAD.

Geesta SSC-Khaatumo oo BBC-du wax ka weydiisay Wasiirka Warfaafinta Najiib Barkhadle kulanka IGAD ay la yeesheen, gaar ahaan wadahadallada ku saabsan maxaabiista dagaalka, waxaanu ku jawaabay: ‘’Waxyaalaha la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa arimaha maxaabiista, arrimaha maxaabiistuna waa kiis caalami ah, annagana si gaar ah saameyn noogu leh, labo dhinac marka loo kala qaado, waxaa ku jira dad dambiilayaal ah oo waaweyn oo iyagoo gacanta dambiga iyo dhiigga kula jira la qabtay, dadkaas maxkamad uun bay sugayaan.’’

Wadahadal labada dhinac dhexmara ayay shardi uga dhigeen Khaatumo in Somaliland oggolaato in loo wadaxaajoodo labo maamul oo daris ah, nabadna ay qaataan.

Dhinaca Somaliland weli ma jiro wax war ah oo ay ka soo saartay arrintan Shuruudda SSC-KHAATUMO wadahadal dhexmara ku xidhay iyo arrinta maxaabiista ee ay IGAD ka wadahadleen.