Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlay Xadhig Xildhibaanno taageeray ay Xukuumaddu kula kacday

Xildhibaanno iyo Guddoomiyihii KULMIYE ee gobolka Saaxil oo Xukuumaddu Xabsiga ku dhigtay taageero ay Muuse Biixi u muujiyeen iyo Guddoomiye Biixi oo sharci-darro iyo cabbudhin ku tilmaamay…Sheegayna…

Berbera(Aftahannews):- Ciidanka Ammaanka magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa maanta Xabsiga u taxaabay laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaaladaas, kuwaasoo ka tirsan Mudanayaasha Xisbiga KULMIYE ee heer deegaan iyo Guddoomiyihii gobolka Saaxil ee KULMIYE.

Masuuliyiintaas, ayaa sababta xadhiggoodu la xidhiidho taageero ay u muujiyeen Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay Madaxtooyadu ka soo horjeeddo Musharraxnimadiisa jagada Madaxweynaha oo uu dhawaan shaaciyey inuu u taagan yahay, iyadoo khilaafka arrintaas ka dhashay si weyn u kala qaybiyey Xisbiga oo u kala fadhiya laba Garab oo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Magacyada Xildhibaannada iyo Guddoomiyaha lagu xidhay Berbera ayaa waxay kala yihiin Xildhibaan Daahir Aw Nuur, Xildhibaan Rashiid Aw Xasan iyo Guddoomiyaha gobolka Saaxil ee Xisbiga KULMIYE Halac Dhagoole.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa BBC u sheegay in Masuuliyiintaas la xidhay, ka dib markii ay ku kaceen wax uu ku tilmaamay bannaan-bax aanay fasax u qaadan oo ay ku khalkhal-gelinayeen xasiloonida magaalada Berbera sida uu hadalka u dhigay. Waxaanu intaas ku daray in sharciga la horgeyn doono saddexdaas Masuul oo uu ku eedeeyey inay Boolisku soo qabteen iyagoo faraha kula jira dembiga lagu soo eedeeyay ee khalkhal-gelinta nabadgelyada magaalada, sida uu ku dooday.

Gudoomiyaha guud ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa Saxaafadda u sheegay galabta in xadhiga Mas’uuliyiintaas Berbera yahay sharci-darro ka soo horjeedda Dastoorka Somaliland, Xeerka Xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo Xuquuqda xorriyadda hadalka-kaba.

Muuse Biixi waxaa uu sheegay in waxa keliya ee lagu xidhay saddxedaas Mas’uul ay tahay, iyagoo taageeray Guddoomiyaha guud ee Xisbiga KULMIYE, wuxuu intaasi ku daray in shalayba Berbera lagu qabtay Munaasabad lagu taageerayo Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo oo aan la is hortaagin, balse Masuuliyiinta isaga taageerayey si ujeeddaysan looga hor-istaagay Munaasibad ay shalay ku taageeri lahaayeen Guddoomiyaha, taasoo uu xusay inuu si kulul u cambaaraynayo, aadna uga xun yahay.

Xadhiggan, ayaa la xidhiidha khilaafka beryahan danbe ka dhex taagan Xisbiga talada haya ee KULMIYE ee dhinaca loollanka awoodda, oo u dhexeeya labada Garab ee ay kala hoggaaminayaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Xisbiga. Khilaafkaas oo maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanaya tan iyo khamiistii inna dhaaftay, inkasta oo ay jiraan dedaallo la doonayo in la isugu soo dhaweeyo labada Garab ee KULMIYE, haddana weli waxa muuqda inay xaaladdu kor u sii kacayso.

Dhinacyada Xisbiga KULMIYE u qaybsamay ayaa mid waliba ku doodayaa inuu isagu yahay dhinaca Sharciyadda Xisbiga iyo dalkaba ku taagan yahay, waxaanu dhinacba dhinac ku eedaynayaa in dhinaca kale Sharciga iyo heshiisyada Xisbiga ka tallaabsanayo. Waxaanay labada dhinacba soo saareen Liisaska Guddiyo Fulineed iyo Xubno Gole dhexe.

Labada Garab ee KULMIYE u kala fadhiyo, waxa uu mid waliba muddeeyey xilliga Shirka ugu horreeya ee Golaha dhexe ee cusub ee KULMIYE isugu imanayo, waxaanay Garabka Madaxweynuhu u muddeeyeen shirkaas 1-da June, halka Garabka Guddoomiyuhuna u muddeeyey 31-ka Bishan May ee aynu ku jirno oo Sabtida ku beegan.

Cabdifataax I. Mursal

Aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.