Madaxweynaha Soomaaliya Muxuu kala Soo noqday Eritrea?

Asmara (aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,  ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Muqdisho, ka dib booqasho uu Isniintii ku tagay Eritrea.

Madaxweyne Xasan, ayaa intii uu joogay Eritrea waxa uu la kulmay qaar ka mid ah askarta Soomaaliya ee dalkaasi Eritrea ku qaadanaya tababarka dhinaca ciidanka cirka.

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemani Meskel ayaa ku sheegay bartiisa X oo horey loo oran jiray twitter in madaxweynaha Soomaaliya uu ammaanay kaalinta ay Eritrea ka qaadanayso dib u dhiska ciidanka Soomaaliya, iyo wadajirka ay u muujisay qaranka iyo dadka Soomaaliya, sida uu ku sheegay qoraalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalkaasi tagay shalay ayaa dhinaca kale madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ay ka wada hadleen xiriirka labada waddan.

Madaxweynaha Eritrea ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda xoojinta xiriirka labada waddan iyo sikaashiga labada dhinac ee siyaasadda, amniga, militariga, dhaqaalaha, dhaqanka iyo arrimaha bulshada, sida uu sheegay Meskel.

Eritrea ayaa sannadihii u dambeeyey lagu tababarayey ciidamo kumannaan ah oo Soomaali ah kuwaasi oo qaarkood soo laabteen, haatanna ay qayb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.

Haseyeeshee, dawladda Soomaaliya dhinaceeda wax war ah kamay soo saarin Safarka Madaxweyne Xasan ku tegay Eritrea, ujeeddadiisa, waxa ay ka wadahadleen Madaxweynaha dalkaas oo ay xalay kulmeen, Ciidammada uu booqday iyo soo noqoshadiisa midna.