Dowlad-deegaanka Soomaalida oo Ciidammadii ugu Badnaa lagu Tabobbarray

Jigjiga (aftahannews):- Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, ayaa maanta tababar usoo xidhay ciidamo cusub oo uu deegaanka Soomaalidu yeelanayo oo in muddo ah tababar ku qaadanayey duleedka magaalada Jigjiga, iyadoo shalayna xerada Koole ee degmada Doolo-Caddo ay ka qalin-jabiyeen kumannaan ciidan ah.

Ciidamadan tababarka ku qaatay duleedka Jigiga iyo Doollo-Caddo ayaa tiradooda lagu sheegay inay ka badan tahay 10 kun oo askari oo maleeshiyaad ah, kuwaas oo qalin-jabintoodu ay kusoo beegmayso iyadoo ay dagaallo u dhexeeya Soomaalida iyo Canfartu ay ka socdaan galbeedka gobolka Sitti.

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida oo ka hadlay xafladda qalin-jabinta ee loo sameeyey ciidamada cusub, ayaan sheegin halka la geyn doono ciidanka uu tababarku u dhamaaday oo uu ku tilmaamay maleeshiyaad, hase yeeshee waxa uu kula dardaarmay inay u hoggaansamaan nidaamka dawliga ah, sidoo kalena Samraan haddii ay ka daahaan waxyaabaha ay u baahan yihiin, sidoo kalena ay gartaan waajibaadka saaran.

Hoggaanka nabad-gelyada Deegaanka Soomaalida, Dayib Axmednuur oo isaguna ka hadlay munaasibadda qalin-jabinta ciidanka cusub, ayaa waxa uu sheegay in deegaanka Soomaalidu uu yahay mid nabdoon oo aanay ka jirin wax dhibaato ah, laakiin haddana loo baahan yahay in lasii ilaaliyo amniga.

Waxa kale oo ciidamada cusub la hadlay Gen. Cabdiraxmaan Axmednuur oo ah maareeyaha kulliyadda tababarka ciidanka, waxaana uu shaaciyey muddada uu socday tababarka ciidamada maanta qalin-jabiyey.