Soomaalida oo guul ka gaadhay Dagaalka Galbeedka Gobolka Sitti

Siti (aftahannews):- Galbeedka Gobolka Sitti oo shalay ay ka dhaceen dagaallo adag oo labadii gelin ay guulo kala sheegteen Soomaalida iyo Canfartu, ayaa maanta deggenaa, waxaana dhinacyadu ay kala aasanayeen meydadka iyagoo dhinaca kalena samaynayey is-abaabul dagaal.

Buurta Jamariile ee duleedka magaalada Madane oo ah meel istaraatiiji ah ayaa shalay ay ka dhaceen dagaallo wajiyo badan lahaa oo subaxnimadii hore ay Soomaalidu guulo hordhac ahaa gaadheen isla markaana ka saareen Canfarta afar saldhig oo ku yaallay agagaarka buurtaas.

Haseyeeshee, Canfarta oo heshay gurmad ayaa gellinkii dambe soo rogaal-celisay oo Soomaalida dib iskaga soo riixday, waxaanay dib u qabsadeen saldhigyadii ku xeersanaa buurta Jamariile.

Saraakiil ciidan, ayaa telefishanka Karamardha u sheegay, in ay xeelado dagaal dib ugaga soo baxeen meelihii ay qabsadeen shalay, waxaanay caddeeyeen in ay hadda dejinayaan xeeladdii ay buurtaas kaga saari lahaayeen Canfarta.

Jamariile oo ah buur istaraatiijig ah oo Canfartu ay haysatay muddo laba sannadood iyo dheeraad ah, isla markaana kasoo qaadayeen weerarro ay ku dhibaatayn jireen dadka xoolo-dhaqatada ah ee degmada Daymeed, ayaa hadda noqotay xuddunta gulufka ay Soomaalidu doonayso inay Canfarta kaga xorayso dhulkii ay qabsatay laba sannadood ka hor.

Dadka sida dhow ula socda dagaalka gobolka Sitti ayaa sheegaya in Buurta Jamariile ay tahay buur istaraatiiji ah oo marka la dhaafo la gelayo dhul ban ah oo aanay jirin meel kale oo gabbaad u noqon karta Canfarta, waana sababta ay hadda awooddooda iskugu keeneen in sidii ay u xajisan lahaayeen.

Waxa kale oo uurta Jamariile lagu tilmaamay inay tahay midda jaan-goynaysa dagaalka ka socda degmada Daymeed, maadaama ay tahay halka ay Canfartu ka difaacdo magaalada Garbaciise oo ay dhinac kaga beegan tahay.

Si kastaba ha ahaatee, waxa socda abaabullo ay samaynayaan Soomaalida oo doonaysa inay dib usoo ceshato dhulka ay Canfartu duullaanka ku qabsatay, iyadoo hore loogasaaray inta badan dhulka degmada Dhuunyar oo muddo laba toddobaad iyo dheeraad ah ay Soomaalidu dul-fadhido magaalooyinka Cundhufo iyo Danlahelay, sidoo kalena degmada Daymeed ay hore ugu dhowaadeen magaalada Garbaciise haddana uu dagaalku ka socdo Madane oo haddii Canfarta laga saaro ay ka dhignaanayso in degmada Daymeed ay inteeda badan kusoo noqotay gacanta Soomaalida iyo Dhuunyar oo kale.