Maraykanka oo ka Hadley Afduub Madax-furasho lagu Rabo oo Ethiopia ka Socda

Addis Ababa (aftahannews):- Dawladda Maraykanka, ayaa cambaaraysay Afduubka Dadka ee Lacagta Madax-furashada ah lagu rabo oo muddooyinkan ka socda qaybo ka mid ah dalka Itoobiya. Waxaanu ku baaqay in la joojiyo.

Safaarada Maraykanka ee Addis Abeba, ayaa sheegtay in dowladda Maraykanku ka xun tahay, isla markaana cambaarayso afduubyada madax-furasho lagu rabo oo aad ugu batay Itoobiya, gaar ahaan deegaannada Oromada iyo Amxaarada.

“Waa in la joojiyo afduubka loo geysanayo dadka rayidka ah iyo ardayda, si loo helo dhaqaale,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka safaaradda Maraykanka ee itoobiya maanta ka soo baxay.

“Afduubyadii ugu dambeeyay iyo kuwa soo noqnoqda ee ka dhacay gobollada Oromia iyo Amhara waxay muujinayaan sida colaadaha daba dheeraaday ay u dhiirradaan dambiilayaasha ayna u wiiqaan sharciga,” ayuu yidhi Safiirka Mareykanka ee Addis Ababa Ervin Massinga.

Bayaanka ayaa daba socda dhacdo la soo wariyay Arbacadii, 03 Luulyo, 2024, halkaas oo in ka badan 100 arday la sheegay in la afduubtay xilli ay u socdaalayeen gobolka Axmaarada kuna sii jeeday Addis Ababa. Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah oo BBC-da la hadlay, ardaydan oo badi ka socotay jaamacadda #Debark ayaa lagu qabtay meel u dhow magaalada Gerbe Guracha ee gobolka North Shewa ee dalka #Oromia.

Qaar ka mid ah ardayda, ayaa la sheegay inay baxsadeen, halka qaar kalena ay weli ku jiraan maxaabiis. Ehelada ardayda la xidh-xidhay, ayaa laga dalbaday lacag madax furasho ah. Hal qoys ayaa BBC-da u sheegay in la weydiistay lacag dhan 700,000 oo birr oo ay ku egtahay muddo saddex maalmood ah.

Danjire Massinga waxa uu qoraalkiisa ku xusay, “Toddobaadkii hore, in ka badan 100 arday iyo rakaab ah ayaa la afduubay si ay madax-furasho uga qaataan,” isaga oo ka hadlayay dhacdadii dhawaan dhacday.

Waalidiinta ardayda la afduubay, ayaa BBC-da u sheegay kooxda afduubka geysatay magaca “Shane” oo ah erey ay saraakiisha dawladdu u adeegsadaan kooxda hubaysan ee Oromo Liberation Army (#OLA).

Komishanka Xuquuqul Insaanka Itoobiya (#EHRC), ayaa warbixinteedii 3aad ee Xaalada Xuquuqul Insaanka ee lasoo saaray Jimcihii shalay, waxay iftiimisay kororka afduubyada madaxfurasho ee saameeyay labada gobol ee Oromia iyo Amhara.