Madaxweynaha Somalia oo Dhiggiisa Eritrea ku Soo Dhaweeyey Asmara

Asmara (aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,  ayaa Safar aan la shaacin galabta ku tegay magaalada Asmara ee dalka Eritrea oo xidhiidh fiicani ka dhexeeyo. 

Madaxweyne Xasan waxaa garoonka diyaaradaha Asmara ku soo dhaweeyey dhiggiisa Eritrea Asaias Afwerki.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X, waxa uu ku sheegay in labada Madaxweyne ay caawa fiidka yeelanayaan shir ay kaga wadahadli doonaan xidhiidhka labada dal iyo danaha ka dhaxeeya.

Waa safarkii saddexaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tago dalka Eritrea tan iyo markii ay bilaabmay khilaafka u dhaxeysa Ethiopia iyo Soomaaliya ee ka dhashay heshiskiii is-afgarad ee Badda ee Ethiopia la gashay Somaliland, heshiiskaasi oo si weyn ay uga hortimid dowladda Soomaaliya oo ku tilmaantay sharci-darro iyo faragelin ay Itoobiya ku samaysay  madaxbannaanida Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan iyo dhiggiisa Eritrea Afwerki ayaa leh cilaaqaad xooggan, waxaana Eritrea ay Soomaaliya u muujisay taaggeero xooggan oo ku aadan khilaafka kala dhaxeeya Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa toddobaadkii hore baarlamaanka dalkiisa ka sheeggay in Soomaaliya aan looga baahnayn inay safaro badan u gasho si loo xaliyo khilaafka arrimaha badda ee kala dhaxeeya, laakiin madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna baarlamaanka dalkiisa ka sheegay in Ethiopia ay tahay tan adduunyada ku wareegaysa ee codsanaysa in Soomaaliya lala heshiisiiyo.

Inkasta oo ay Soomaaliya diidday inay wadahadal la gasho Itoobiya illaa inta ay ka noqonayso heshiiska isfaham ee ay Somaliland la gashay, itoobiyana shuruuddaas diidday, haddana dowladda Turkiga oo labada dhinac xidhiidh dhaw la leh, ayaa ku guuleysatay inay wadahadal aan foolka fool ahayn u furto.

Wasiirrada arrimaha dibedda Somalia iyo Ethiopia, ayaa Turkigu uu ku casuumay Ankara, kuwasi oo yeeshay kulamo aan toos ahayn, oo Turkigu u kala dabqaadayey, ayaan natiijo khilaafkaas ku saabsani ka soo bixin. Balse waxay isla garteen labada dhinac in wareeg kale oo wadahadal ah la isugu yimaaddo 2da September 2024-ka isla dalka Turkiga.