Cabdifitaax Alsisi oo ku guulaystay doorashada Madaxweynaha Masar

Qaahira(Aftahannews):- Cabdifitaax Alsisi, ayaa siweyn ugu guuleystay doorashadii Madaxweynaha ee dalka Masar, marka loo eego sida ay muujinayaan natiijooyiinka hordhaca ah ee tirada codadka la tiriyey.

Tirinta codadkii doorashada dalka Masar

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Alsisi uu helay 90 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

Si kastaba, dadka soo baxay ee codkooda dhiibtay oo tiradooda ay aad u yareyd ayaa lagu qiyaasay boqolkiiba 45.

Waxaana jiray cadaadis weyn oo dowladda ay sameyneysay si dadka ay ugu soo baxaan codeynta.

Guusha Cabdifitaax Alsisi weli shaki ma’uusan galin, wuxuuna taageero weyn ka haystay dadka dhiibtay codadkooda.

dadka dhiibtay codadkooda ayaa aad u yareyd

Balse dhibka haysto ayaa ah dadka aadka u badan ee aan soo bixin, taasoo xittaa dhibaato ku ah dalka Masar.

Maamulka doorashada dalka Masar ayaa aad uga walaacay, dadaal bandanna geliyay in dadka ay soobaxaan si ay sare loogu qaado tirada dadka codkooda dhiibtay, si hannaanka uu u noqdo mid lagu kalsoonaan karo.

Lakiin, inkastoo dadka fasax ay ku jireen, maalin dheeraad ahna lagu daray xilliga codeynta, iyo gawaarida dad weynaha iyo tareenada oo laga dhigay lacag la’aan, ma aysan buuxsamin xarumihii codeynta.

Waxaa jirta diidmo weyn oo ka imaaneyso kooxaha ay ka mid yihiin ururka lamanuucay ee Ikhwaanul muslimiin, iyo kuwa qunyar socodka ah oo ka careynsan sida loola dhaqmay mucaaradka.

Madaxweynaha cusub ee dalka Masar waxa uu la kulmi doonaan caqabado ay ka mid yihiin, dhaqaalaha dalka oo aad hoos ugu dhacay, muqaawameyn yaryar oo kooxo kaga timaado iyo dal aad u kala qeybsamay. Waxaana dhaawacweyn ku noqday tirada dadka u soobaxay doorashada ee codeeyay, ka hor inta uusan shaqadiisa billaabin.

Xigasho BBCSomali.com.