Beesha Cabdale Sacad oo Suldaan Awgeesh u caleema-saaraysa Suldaanka guud ee beesha

Hargeysa (Aftahannews)- Beesha Cabdale Sacad, ayaa waxaa ay isku raacday in ay doortaan Suldaan cusub oo bedeli doona Suldaankii guud ee hore ee beesha.

Beesha oo leh laba suldaan iyo hal caaqil, ayaa waxaa ay isku raacday inay Suldaanka guud ee boosha u caleema saaraan, una doortaan Suldaan Siciid Aw Cabdi Oomaar Awgeesh, kaasi oo bedelaya Suldaankoodii hore Suldaan Mawliid Cali Sabayse.

Waxaanay beeshu sheegtay in caleema saarka Suldaanka cusub ee Aw Geesh, ay ku qaban doonto dhawaan deegaanka Xeedho waqooyiga magaalada Hargeysa.

Beesha Cabdale Sacad, ayaa waxaa ay sheegtay inay isku raacday inay bedesho Suldaankoodii hore ee Suldaan Mowliid Cali Sabayse, isla-markaana ay ka midaysan yihiin.

Bedelka suldaan Sabayse, ayaa waxaa ay beeshu ku sababaysay arrimo la xidhiidha kala qaybin ay sheegeen inuu ka dhex wado beesha dhexdeeda, islamarkaana uu baalmaray axdigii beesha u yaalay.