Aadan Doolla-yare oo ka hadlay Khilaafka KULMIYE, Baaqna u jeediyey Hoggaanka Xisbigaas

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirkii hore Wasaaradaha Beeraha iyo Caddaaladda ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Aadan Axmed Cilmi (Dhoolla-yare), ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu hoggaanka KULMIYE u soo jeediyey inay ixtiraamaan heshiiskii hore loo galay iyo Distoorka Xisbiga.

Aadan Dhoollayare

Aadan Axmed Cilmi (Dhoolla-yare) oo waraysi khaasa siiyey shabakada wararka ee Hayaannews, ayaa waxa uu kaga hadlay arrimmo ku saabsan khilaafka Xisbiga KULMIYE, isagoo sheegay inaanu Muuse Biixi Cabdi xaq u lahayn inuu markan isku soo taago Doorashada Madaxtinnimada dalka, waxaanu yidhi “waxaan filayaa inaan War-war badan jirin, arrintani wax innagu cusub maaha, waxa aynu galnay Xilli aynu geedi dheer u soo galnay Dimuquraadiyada. marka hore xilligan lama joogo wakhti Nin ay ciddi rabshad iyo dagaal ay u samayso, waayo dadku way bisil yihiin oo nabad ayey qaateen, markaa dadku war-war kama qabaan. Khilaafkana waxaan aaminsanahay in sidii ay Somaliland ku soo Caano-maashay uu iska dhammaanayo, somaliland waxa ay ku soo caano-maashay tanaasul iyo nabadayn iyo in la sii hirgeliyo geeddi socodka Dimuquraadiyada. Xisbiga KULMIYE waa Xisbul-xaakimka talada dalka haya, waxaanana qabaa inay kala duwan yihiin xaaladii Xisbiga UDUB iyo KULMIYE, waayo KULMIYE si fudud kuma burburayo.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Khilaafkasta adduunka yimaada waa la xaliyaa oo waynu fahamsannahay oo heshiisyaa jirey oo wax lagu wada shaqaynaayey ayaa jirey, oo ay ugu dambaysay hoggaanka sarre ee Xisbiga KULMIYE oo waynu ognahay in rag badani u soo diyaar garoobeen inay iska sharaxaan, laakiin heshiiska ayaa ahaa in hogaaanka jooga looga hadho oo aan tartan ka dhacin oo hoggaanka jira loo daayo, oo golaha dhexe sidiisa loo daayo, markaa heshiis hore oo noocaas ah ayaa jirey. Waxaanay ahayd in heshiiskaas la ixtiraamo oo sidii ragii la sharaxnaa looga reebay ay iyaguna sameeyaan oo ay kala dambayni jirto, adduunkuna maanta uun maaha ee wakhti kale ayaa iman doona. ayuu yidhi Aadan Cilmi Dhoola-yare.

“Somaliland waxay soo jirtay mudo aynu wax ku barano, Xisbigana kolba cidbaa hoggaankeeda haysa, laakiin waa loo siman yahay talada Xisbiga KULMIYE waa la soo jeedin karaa, wixii jira waa la isku sheegayaa, hadii Wasiiro hadleenna xaq-bay u leeyihiin. Madaxweynuhuna waa odaygii Xisbiga oo isagoo Madaxweyne ah ayuu Xisbigana musdambeed ka yahay, markaa wixii heshiis ah ee jirey ee la wada ogaa dadku waxay leeyihiin maxay hoggaanku markay kuraastii Xisbiga markay isku hubsadeen maxay maanta u soo faro gelinayaan Doorashada Madaxweynaha oo aan anigu qabo inuu xaq u leeyaha Madaxweynuhu oo mar labaad Distoorku u ogol yahay.

Wasiirku afka Madaxweynaha iyo ka Xukuumaddaba wuu ku hadli karaa oo waa Wasiirkii Warfaafinta Somaliland, laakiin waxaynu ka hadlaynaa cida xaqa u leh Madaxtinnimada dalka isku soo taagto, maanta Madaxweynuhu waa u diyaar xaq-na wuu u leeyahay Madaxweynuhu, cidii kale ee hunguriyeysa waa Dimuquraadiyadoo way isa soo sharixi kartaa, laakiin heshiisyada iyo kala dambayntu waxay ku fiican yihiin inay sidooda u fullaan. kolay khilaafkuba waa dhibaato, balse intii badnayd ayaa meel martay iyo hogaanka sarre laftooda oo iyaguna ku kala qaybsan arrintan. Hoggaanka Xisbigana khilaafka ayaa ka dhex jira oo Guddoomiye ku xigeennadii iyo Xoghayaha ayaa dhinac ah oo markaa taas lafteedu laf-jab ayay ku tahay.” Ayuu yidhi Aadan Cilmi Dhoola-yare.

Xigasho Hayaannews.com