Ciidanka Uganda ee ATMIS oo Saldhig ku Wareejiyey Ciidammada Soomaaliya

Bariirre (aftahannews):- Taliska Ciidammada Midowga Afrika ee ATMIS  ayaa sheegay in saldhiga Bariire ay ku wareejiyeen Ciidammada Nabad-sugidda Soomaaliya. Tallaabadan, ayaa bilow u ah wajigii saddexaad ee dhimista Ciidammada.

ATMIS waxa ay sheegtay in Saldhigga Millateriga oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay Ciidanka ATMIS gacanta ku hayeen tan iyo 2019, uu leeyahay muhiimad istiraatijiyadeed, maaddaama oo uu yahay goob difaac oo qiyaastii 60 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wareejinta Saldhigga Ciidammada Bariire keliya ma aha wareejinta hantida maguurtada ah, balse waxay astaan u tahay horumarka aan si wadajir ah uga sameynay howlgalka aan wadaagno,” ayuu yidhi Taliyaha Ciidammada Uganda ee ATMIS Anthony Lukwago Mbuusi.

“Waxaan si wada jir ah uga shaqeyn doonaa sidii Soomaaliya ay u heli lahayd mustaqbal ifaya, kaasoo ku dhisan iskaashi, is-ixtiraam, iyo hadafka guud ee ah in la helo nabad waarta,” ayuu yidhi Mbuusi oo saldhigga Bariire ku wareejiyay Muxudiin Axmed, oo kamid ah saraakiisha Ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA).

Sarkaalkan, ayaa ku ammaanay Ciidammada Uganda ee qeybta ka ah ATMIS sida ay uga go’an tahay kala guurka iyo sida ay ugu hureen xaqiijinta nabad ku soo laabashada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Ciidammada XDS ay sii wadi doonaan sugida amniga deegaanka Bariire iyo dadka ku nool oo ay ka ilaalinayaan weerarada Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee sida sharci darrada ah u hubeysan.

Howlgalka Midowga Afrika ayaa Soomaaliya kala baxay 5,000 oo askari, waxayna ku wareejiyeen 17 saldhig ciidan ciidamada ammaanka Soomaaliya, intii lagu guda jiray wajigii 1aad iyo 2-aad ee dhimista ciidamada ee sanadkii 2023-ka.

Dhammaadka sannadkan 2024-ka, ayuu qorshuhu ahaa in Ciidammada Midowga Afrika ee ATMIS ay ka baxaan dhammaantood Soomaaliya oo ay hawsha kala wareegaan Ciidammada Soomaaliya.

Haseyeeshee, walaac amni oo jira awgii, waxaa jiri doona in ay qayb ka mid ah Ciidammada Midowga Afrika muddo sannad ah oo dheeraada ay sii joogaan Soomaaliya, sida laysla qaatay, kuwaas oo magaca ay ku hawlgalayaan iyo shaqada ay qabanayaanba wax laga beddili doono, sida uu dhawaan sheegay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin.