Madaxweyne Obama oo sharraxay qorshihiisa Argaggixiso la-dagaallanka

Washington(Aftahannews):- Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa lagama maarmaan ku tilmaamay weerarada diyaaradaha aan la wadin loo adeegsado ee lagu qaaday goobo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Madaxwaynaha,a yaa khubad uu ku qeexayo siyaasadaha dowladdiisa xilliga u dhiman dowladiisa. Waxaa uu kaga hadlay la dagaalanka argagixisada iyo iskaashiga ka hortagga argagixisada.

Wuxuu ku dhawaaqay abuuritaanka santuuq ilaa shan billion oo doolar oo lagu caawiyo dalalka dunida oo dhan si argagixisada loola dagaalmmo.

Santuuqa la dagaalanka argagixisada

“Tababarka ciidamada amniga ee Yemen kuwaas oo dagaal kula jira al Qaida, taageeridda ciidamada dalalka badan ee ilaaliyoa nabadda Soomaaliya, la shaqaynta xulufada Europe si loo tababaro ciidamo amni oo dhab ah iyo ilaalada xudduudaha dalka Libya iyo fududaynta howlgalka Faransiiska ee dalka Mali’ “

Brack Obama, Madaxwaynaha Maraykanka:

Wuxuu soo qaaday siyaasadaha Maraykanka ee ku wajahan dalalka Ukraina, Russia, China iyo Syria.

Geeska Africa:

Madaxwayne Obama oo ka hadlayay geeska Africa iyo adeegsiga diyaaradaha aan la wadin waxaa uu yiri:

“arrimaha iskaashiga aan horay u soo sharaxay nagama reebayaan in aan tallaabo toos ah qaadi karno markii uu lagama maarmaan u aragno. Marka aan hayno xog lagu kalsoon yahay, waan qaadnaa tallaabadaas. Howlgallo sugan sida kuwii aan u adeegsannay si aan cadaaladda u horkeenno kuwii duqeeyay safaaradaheenii bariga africa ama adeegsiga diyaaradaha aan la wadin sida kuwa aan ka fulinnay Yemen iyo Soomaaliya.” Barack Obama

Waxaa uu sheegay in ay jiraan marar ay loo baahan yahay in tallaabooyinka noocaas ah la qaado, balse ay noqon doonaan kuwo aad looga fiirsaday.

“marka aan tallaabo toos ah qaadanayno waa in aan xaqiijinnaa in aysan ku xadgudbaynin qiimaheena iyo mabaa’diideena. Taas macnaheedu waa in aan tallaabo qaadno oo kaliya marka ay na soo wajahdo tallaabo cad oo joogto ah, lana xaqiijiyo in aysan dad rayid ah wax ku noqonaynin. Ujeedku waa in uu yahay in aanan samayn cadow ka badan kan aan la dagaalamayno.”

Madaxwayne Obama ayaa sidoo kale xusay in go’aanada Maraykanka ee la dagaalanka argagixisada ay ku salaysnaadaan dhabta dadwaynahana aan laga qarin.

“waxaan rumaysanahay in aan cadaadaan salka tallaabooyinka ka hortagga argagixisada iyo qaabka aan u fulinno. Waa in aan awood u yeelan karnaa in aan sharaxno si cad hadii ay ahaan lahayd isticmaalka diyaaradaha aan la wadin ama tababarka xulufadeena.”

Xigasho BBCSomali.com.