Xubno Siilaanyo ay isku beel yihiin oo iska casilay Guddiga Fulinta ee Muuse Biixi magacaabay

Hargeysa(Aftahannews):- Xubno ay Madaxweyne Siilaanyo isku beel ka soo jeedaan, isla markaana uu Liiska Guddiga fulinta ee Garabkiisa ku soo daray Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa iska casilay ka mid ahaanshaha Guddiga Fulinta KULMIYE.

CALI SICIID RAYGAL

Sida lagu sheegay War-Saxaafadeed xalay Warbaahinta qaarkeed u qaybiyeen xalay Xubnahaasi oo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews, ayaa lagu sheegay inay xubinnimada Guddiga Fulinta ee Muuse Biixi magacaabay inay iska casileen 12 xubnood oo uu ka mid yahay Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Cali Siciid Raygal, Wasiirkii hore ee Shaqada iyo arrimaha Bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac iyo xubno kale oo ay sidoo kale isku qoys yihiin Madaxaweyna Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo.

12-kaas Xubnood ee iska casilay Guddiga Fulinta ee Muuse Biixi uu magacaabay qoraalka ay soo saareen oo magacyadooduna ku qoran yihiin waxa uu u dhignaa sidan:- “Aanagoo ah xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin kana mid ah liiska Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku magacaabay guddida fulinta, waxaan caddaynaynaa in aanaan ka mid ahayn guddigaasi, aanuna ku qanacsanahay go’aamaddii ka soo baxay shirguddoonkii shirweynihii saddexaad ee Xisbiga Kulmiye.

1. Maxamed Jaamac Cabdi

2. Ilhaan Maxamed Jaamac (Wasiirkii hore ee shaqada iyo arrimaha bulshada)

3. Eng: Cabdullaahi Iimaan Warsame

4. Lataliyaha Madaxweynaha ee Dhalinyarada Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi

5. Axmed Nuur Aw Cabdi Sheekh

6. Axmed Xuseen Omane

7. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciied Raygal

8. Cumar Sheekh Maxamed (Cumar Yare)

9. Sahra Maxamud Xuseen Barbaraawi

10 .Baashe Yuusuf Axmed

11. Canab Nuur Xandulle

12 .La-taliyaha Madaxweynaha Beelaha la-hayb-sooco Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi.” Sidaa ayuu u qornaa War-Saxaafadeedka ay xubnahaasi soo saareen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.