Somalia oo Cadaadis lagu Saaray inay ka Noqoto go’aanka UNSOM ka dhanka ah

Muqdisho (aftahannews):- Caqabad xooggan, ayaa soo wajahday qorshaha ay dowladda federaalku ku dooneyso in lagu xidho Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) marka la gaadho bisha December ee sannadkan 2024-ka, caqabaddaas oo kaga imanaysa Beesha Caalamka oo Mareykanku hormuud u yahay.

Sida lagu baahiyay bogga Waaxda Arimaha Dibadda Maraykanka, xoghaye Antony Blinken ayaa Jimcihii khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka Matthew Miller ayaa sheegay in Blinken iyo Xasan Sheekh ay ka wada hadleen kaalinta muhiimka ah ee uu leeyahay Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Maraykanku waxa uu doonayaa in uu sii shaqeeyo Hawgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, sida uu sheegay Afhayeenka Waaxda Arimaha Dibadda Matthew Miller.

Maraykanka ayaa xidhiidh dhaw la leh Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu  ka caawiya arrimo ay ka mid yihiin amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha gargaarka. Waxaana muuqata in uu cadaadis ku saarayo dawladdu inay ka laabato go’aankeeda ah in la soo gabagabeeyo hawlgalka UNSOM.

Dad badan, ayaa rumeysan suurta-galnimada in dawladdu dib uga laabato go’aankeeda, marka la eego cadaadiska uga imaanaya beesha caalamka oo u dambeeyay kan Maraykanka ka yimid.

Feysal Deri oo ka faallooda arrimaha siyaasadda oo la hadlayay BBC-da, ayaa sheegay in soo magacaabistii James Swan, loo soo magacaabay in uu hoggaamiyo si kumeel gaar ah xafiiska UNSOM iyo daneynta Maraykanka ee xiisadda gobolka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixsada ay dhammaantood keeni karaan, in dowladda Soomaaliya aqbasho codsiga uga imaanaya beesha caalamka oo uu Maraykanku ugu horreeyo.

“Dawladda Soomaaliya runtii waxa dhab ah in ay aad ugu tiirsan tahay saaxiibadeeda beesha caalamka, xataa haddaad fiiriso dhimista ciidamadan hadda laga wadahadlayo, dawladda Soomaaliya marna may oran ciidamadu gabi ahaan Soomaaliya ha ka baxeen ee waxa la isku haystaa qaabka iyo waajibaadka ay ku sii joogayaan ciidamadan iyo magaca loo bixinayo, marka haddaad isku soo wada duubto waxa lafdhabar u ah dawladda Soomaaliya jiritaankeeda waa saaxiibada ay ku leeyihiin beesha caalamka, Maraykankuna qayb ayuu ka yahay saaxiibadaas.” ayuu yiri Feysal Deri.

Feysal waxa kale oo uu intaas ku sii daray; “Markaa waxan filayaa in ay jiri doonaan wadahadallo dheeraad ah si loogu heshiiyo meel dhexdhexaad ah oo beesha caalamkuna ku qanacdo, dawladda Soomaaliyana u aragto in danaheeda gaarka ahi ku jiraan.”

Ma cadda go’aanka ay dowladda federaalka Soomaaliya ka qaadan doonto cadaadiska ka yimid dowladda Mareykanka Qaramada Midoobay iyo Saaxiibbada Caalamka ee Soomaaliya oo qaar badan oo ka mid ahi Maraykanka la aragti yihiin.